Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay inta u dhaxeysa Degmada Matabaan iyo deegaanka Bacda oo ka tirsan G/Hiiraan

Cabirka Farta
Axad, January 25, 2009(HOL): Weerarka oo ahaa mid ay geysteen kooxo burcad ah ayaa sababay geerida Darawalkii waday gaariga la weeraray kaas oo meydkiisa la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
 
Markii uu weerarku dhacay kadib ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay gaareen goobta Burcaddu ku sugneyd Ciidamo ka tirsan Midowga Maxkamadaha kuwaas oo is rasaaseyn kadib  la wareegay fariisinkii ay joogeen kooxaha hubeysan oo warar soo baxaya sidoo kale sheegaaan in mid ka mid ah la dilay.
 
Weerarka lagu qaaday gaariga ay la socdeen dadka rayidka ah ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay Ciidamada Midowga Maxkamaduha howlgalo ka wadeen wadada dhexmarta Goballka Hiiraan, inkastoo hadana dhinaca kale wali ay muuqato khatar sii kordheysa oo ay geysanayaan kooxaha jid-gooyada u dhigta gaadiidka ay la socdaan dadka safarka ah.
 
Dhinaca kale gudaha Magaalada Beledweyne waxaa isa soo taraya shilalka gaadiidka tan iyo wixii ka danbeeyay markii dayactirka lagu sameeyay waddo muhiim ah oo dhaxmarta Magaalada, waxaana shilalkani ay ka dhalanayaan xowli aad u dheereeya oo ay isticmaalaan wadayaasha gaadiidka marka ay soo gaaraan halka wadadu ka dhisan tahay.
 
Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maxkamadaha ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 5 ruux kadib markii uu ku qalibmay bartamaha Magaalada xili uu ku socday gaarigu xowli ka baxsan inta loogu tala galay in ay gaadiidku ku socdaan marka ay marayaan goobaha dadku badan yihiin, waxaana muuqaneysa in darawalada gaadiidku hamuun badan u qabeen in ay arkaan wadada oo dhisan gaadiidkuna si wanaagsan ugu socon karo iyagoo aan ka fekerin khatarta taas ka imaan karta.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyn, Somalia