Maamulka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka oo ku taliyay in Wada hadal lagu saaro Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL):  Maamulka gudaha ee Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa wuxuu shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkaas ku saabsanaa xaaladda adag ee uu dalku marayo iyo is-beddelka dalka ka dhacay, khilaafaadka jira iyo sida xal dhameystiran lagu gaari karo.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Maamulka Gudaha ee Golaha Maxkamadaha Islaamka oo soo gaaray Xafiiska HOL ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku saxiixnaa hoggaanka maamulka Shiikh C/qaadir Cali Cumar  ayaa u qornaa sidan:

“Ugu horeyn waxaan Allaah uaga mahad celineynaa guusha iyo nasriga uu na siiyay, kadibna waxaan mahad naq u soo jeedineynaa shacabka soomaaliyeed kaalintii lama ilaabaanka aheyd oo ay ka qaateen halgankii dheeraa, waxaan leenahay intii halganka idinkaga shahiiday alle ha siiyo janadiisa, inta dhaawaca noqotayna caafimaad alle ha siiyo, intii ku xoolo beeshay beddel kheyr qaba, waxaana qireynaa in shacabku ahaa midkii bilaabay jihaadka oo taageero dhan waliba ah bixiyay mana haboona maanta inaan abaalkoodii ka dhigno wax aan wanaagsaneyn.

Maamulka gudaha wuxuu u arkaa in manta fursad wayn na hortaalo lagama maarmaana ay tahay inaan ka faaiidaysano sidaa darted maamulku wuxuu ugu baaqayaa qaybaha kala duwan ee bulshada soomaliyed in ay ka tashadaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada mogdisho.

Maamulku wuxuu soo jeedinayaa bixitaanka ciidamada itoobiya kadib in ciidamada kale ee dalka jooga sida kuwa Amisom iyo qolooyinka kale arrimahooda lagu dhameeyo wada hadal si waafaqsan mabaadii’da iyo maslaxadda umaadda soomaliyeed, taladana ay ka qayb qaataan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, sida mujaahidiinta, culimada, aqoonyahanada, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, haweenka dhalinayrada iyo cid kasta oo muhiim u ah arinkaan.

Ciidamada Amisom waa inay ka daayaan shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada dagaalada iyo qaxa ka soo daalay duqaynta indha la’aanta ah. Taasoo keeni karta in qax iyo dhibaato cusub iney dib u bilaabata.

Waxaan ugu baaqaynaa xoogagga hubeysan ee muqaawamada in ay bilaabaan wada hadal dhexdooda ah cabsida shacabku qabaanna ay ka shaafiyaan, dhegahoodana u furaan baaqyada iyo fataawidda ka soo baxaday culimada Soomaaliyeed ee isu xilqaamay xalinta khilaafaadka ka dhex jira mujahidiinta, una dhega noglaadaan wax kasta oo sharciga Islaamka waafaqsan nabadna looga dhalin karo dalka Soomaaliya isla markasna ay ka hormariyaan maslaxadda gaarka ah tan Umadda Soomaliyeed ee dhibaatada ka soo daashay.

Maamulku GMIS ee gudaha dalka wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan sida culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoon yahanada iyo haweenka iney si wada jir ah uga wada shaqeeyaan hirgalinta ku dhaqanka shareecada islaamka kuna xaliyaan wax walba oo khilaaf ah oo jira.

Ugu Dambeyn waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan shacabka soomaliyeed in ay Alle u towbad keenaan baryadiisana badiyaan si Alle uga dulqaado musiibada ku habsatay oo ah mid ay gacmahooda ku kasbadeen.

Madaxa Maamulka gudaha ee GMIS
Sheikh C/qadir Cali Cumar

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia