Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka C/laahi Yuusuf oo Yemen u dhoofay

Cabirka Farta

Talaado, January 20, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee DFKMG ah ee Somalia C/llaahi Yuusuf ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib maalmo uu ku sugnaa magaaladaasi.
 
C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu u amba baxay dalka Yemen, gaar ahaan  Magaalada Sanca halkaasoo uu ku tegay marti qaad uu ka helay madaxwaynaha dalkaasi Cali Cabdala Saalax .
 
Lama shaacin waqtiga uu qaadan doono safarka madaxwaynihii hore ee dalka Somalia C/llaahi Yuusuf uu ku aaday Dalka Yemen, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in martiqaadka loo fidiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu yahay mid saaxibtinimo.
Safarka uu C/llaahi ku tagay dalka Yemen ayaa qeyb ka ah safarro uu ku mari doono Dawladaha ay xiriirka dhaw lahaayeen C/laahi Yuusuf xiligii uu madaxwaynaha ka ahaa dalka Somalia
 
Madaxwaynihii hore ee dalka Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa iska casilay xilkii Dawladda Federaalka kadib cadaadis ay beesha caalamka ku saartay in uu xilkaasi ka dego, iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin cid booskiisi buuxisay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia