Qarax lala beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho ku sugan

Cabirka Farta

Talaado, January 20, 2009(HOL): Kolonyo ka tirsan Ciidmada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa lala beegsaday qarax xooggan, xili ay marayeen Wadada Makka Al-Mukarrama.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayay dad ka dhawaa halka uu ka dhacay waxay sheegeen in ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamadii lala beegsaday, inkastoo Afhayeenka Ciidamada Amisom Majir Bridgye Bo-huko uu sheegay in aaney jirin wax khasaare ah oo Ciidmadooda soo gaaray.

Major Bo-huko waxaa uu intaas ku daray in qaraxa lala beegsaday uu ahaa mid wadad dhinaceeda la geliyay, hayeeshee aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray Ciidamadooda, wuxuuna caddeeyay ina y dareemayaan in ay qaraxaas u dhigeen xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Amisom oo sii hadlayay waxaa uu baaq u diray Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye iyo Waxgaradka ku dhaqanka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii loola hadli lahaa dadka doonaya in ay dagaallada iyo nabadgelyo la’aanta ka sii wadaan Magaalada Muqdisho.

Qaraxan saaka lala beegsaday Ciidamada Amisom ayaa waxaa sheegtay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo sheegay in qaraxaas uu qeyb ka  yahay weerarro ay doonayaan in ay Ciidamada Amisom uga saaraan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu horeeyay oo Ciidamada Amisom lala beegsado tan iyo markii ay Wadada Maka Al-Mukarrama kala wareegeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho isaga baxay, inkastoo ay jireen labo weerar oo lagu qaaday fariisimada ay ku kala leeyihiin Isgoyska KM4 iyo Kuliyaddii Jaalle Siyaad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia