Talaado, January 20, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo u badan kuwii ka baxay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxay dhaqdhaqaaqyo ay ku baxayaan ka wadaan Magaalada Baydhabo.
Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxay xalay iyo saaka ka baxayaan Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo ammaanka ciidmadaasna ay sugayaan ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo horay u sii joogay Magaalada Baydhabo.
Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo ayaa la jaray markii uu bilowday dhaqdhaqaaqa Ciidamadan, waxaana taasi lagu macneeyay in laga hortegayo in la ogaado dhaqdhaqaaqa bixitaanka ah ee ay Ciidamada sameynayaan.
Lama oga in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka wada baxayaan iyo in ay ku harayaan Ciidamadii horay u joogay, kuwaasi oo ku sugan meelo ay ka mid yihiin Warshaddii Oomada Avv. Xasey.
Ma ahan markii ugu horeysay oo hawada laga saaro Isgaarsiinta magaalada Baydhabo, waxaana jirtay in sidan oo hawada laga saaray markii ay Baydhabo gaarayeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho iyo Afgooye ka baxay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia