Darawallada Gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ka cabanaya lacag sharci darro ah oo ay ka qaadaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka

Cabirka Farta

Talaado, January 20, 2009(HOL): Darawallada Gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay ka cabanayaan lacag sharci darro ah oo ay ka qaadaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Wadadaas.

Ilaa afar jid-gooyo oo lacagahaas sharci darrada ah lagu qaado ayaa waxay ku yaallaan inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye, waxaana afartaas jid-gooyo looga qaadaa gaadiidka lacag dhan 180 Shilin Soomali ah.

Mid ka mid ah Darawallada Gaadiidka BL-ka ee wadadaas isticmaala ayaa sheegay in Afartaas Jidgooyo looga qaado lacag aysan awoodin oo sii socod iyo soo socod ah, “Meel waxaa nalooga qaadaa 60 kun, meel kale 50 kun, meel 40 Kun, meelna 30 Kun, haddii aan dhiibi weynana gaadiidka ma shaqeynayo”ayuu yiri Darawalkan oo sababo ammaan darteed qariyay magaciisa.

Waxaa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay isbaarooyinka ka qaado Wadadaas oo muhiim u ah isu socodka Dadka ku dhaqan Gobollada Banaadir iyo Gobollada Koofureed iyo kuwa Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ay booqdeen meelaha  Isbaarooyinka laga soo sheegayo, isla markaana ay halkaasi ka qaadeen Isbaarooyin yaallay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen waxaa ka yaraaday isbaarooyinkii ay Ciidamada Dowladda ku qaadi jireen lacagaha sharci darrada ah, waxaana taasi ugu wacan iyadoo uu meeshii ka baxay difaacii ay Ciidamadaas ka heli jireen Ciidamada Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia