Murashaxiinta u taagan Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga UDUB dhexdiisa oo si kulul u dhaliilay Madaxweye Rayaale

Cabirka Farta

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Axmed Sandoon Xasan
Talaado, January 20, 2009(HOL): Labada murashax ee Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Axmed Sandoon Xasan, oo todobaadkii hore shaaca ka qaaday inay isu soo taagayaan Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB dhexdiisa, ayaa maanta si kulul u naqdiyay sharcinimada Guddida qaban-qabaabada Shirweynaha labaad ee Xisbiga UDUB ee uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir  Rayaale Kaahin, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbigaas.

Labadan murashax ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen magaalada Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa., ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa labadan Murashax Cabdilaahi Xuseen Imaan (Darawal). Waxaanu walaac ka muujiyay Guddida uu Madaxweyne Rayaale magacaabay ee qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga UDUB. "Runtii  qolyahan saaxiibadayada ah ee kolay ay mar walba ka tahay uun inay Rag uun soo saaraan, laakiin laba arrimood ayaanaan ka filayn, maadaama aanu xisbiga UDUB nahay, oo aanu murashaxiinta xisbigana ka mid nahay in Madaxweyne ku xigeenka oo ah murashixii Madaxweyne ku xigeenka  ahaa uu yidhaahdo haddana Guddidii qaban qaabada aniga ayaa ka madax ah oo arrintaasi oo ah mid sharci ahaan, caqli ahaan iyo damiir ahaanba aan la qaadan karayn Oo ka fog caddaalada." Ayuu yidhi Cabdilaahi-Darawal. Waxaanu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi, “Guddidii oo aad moodo inay xukuumadii isa soo magacowday oo iyaduna aan caddaalad ahayn, iyadoo ragga la soo magacaabay annagu aanu wada saaxiib nahay oo aanaan cuqdadba ka qabin, waanu isku kalsoon nahay haddii aanu meesha galno inaanu helo iyo inaanu weyno labadaba diyaar ayaanu u nahay. Raggaas la soo saarayna waxba kama qabno laakiin laba arrimood ayaa runtii ah qaar aan ku jirin caddaalada iyo dimuqraadiyada middi waa taas murashaxii uu leeyahay waxaan ahay Guddoomiye oo annigaa dadka shirweynaha imanaya  soo dooranaya ta labaadna waxa weeyaan xulashada xataa qaabka loo soo xulay oo sharciyada xisbiga aan waafaqsanayn.”

Mar uu Cabdilaahi-Darawal ka hadlayay soo xulidda Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha UDUB oo la filayo in dhawaan la bilaabo, ayaa wuxuu yidhi, “Sharciyada xisbiga qodobka 11-aad wuxuu sheegaayaa tirada ergooyinka iyo noocyada ay ka koobnaanayaan iyo cidda awooda u leh inay goyso sida uu sheegayo qodobka 11-aad xarafkiisa (T) waxaanu odhanayaa ergooyinka shirweynaha waxaa xaddidaya tirooyinkooda Golaha dhexe, golahii dhexena imika suurtogalba ma aha.  Qaban qaabada lafteeda Xoghayaha guud ayaa iska leh Xoghayihii Guud illaahay ha u naxariistee haddii uu dhintay Ku xigeen baa jiray oo sii waddi kari lahaa,  Xoghaye guud oo ku meel gaadh ah ayaa la magacaabi karaa.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxaad moodaa in Guddidaas si gaar ah loo samaystay, bahweynta UDUB-na ha eegto oo ha la socoto caddaalada meesha taala, iyagana waxaan kula talinayaa Bahashan [Madaxtinimada] illaahii markii hore idin siiyay ayaa haya haddii uu idiin qorayna waydun heli haddii aanu idiin qorina wax kasta oo afduub ah oo aad samaysaan ha ka yaabin. Idinkoo awoodii dalka oo dhan haysta inaad haddana tartanka  diidaan oo aad is tidhaahdaan wax si gaar ah u samaysta waxaan u malaynayaa bulshaduna way arkaysaa idinkana idiinma fiicna ee xisbiga ha baabiinina oo xisbiga si fiican oo dimuqraadi ah sida uu sharcigiisu yahay ha lagu dhaqo, ayaanu codsanaynaa haddaanu murashixiintii nahay." 

Md. Cabdilaahi Xuseen oo daba socday hadalo ka soo yeedhay Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB oo sheegay in murashixiintoodu yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo kaliya, ayaa wuxuu yidhi "Rag badan oo waxaa jira TV-ga aan ka maqlo oo kala duwan oo aan annigu wadda garanayo oo dee dhawaan baan meesha kaga tagaye, oo intay TV-ga soo fadhiistaan yidhaahda annaga madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa noo murashixiin ah, oo cid kale oo imanaysaa ma jirto, ninkaasi nin buu taageerayaa oo uu waliba xaq darro ku taageerayaa, waayo aragnimaduna waxay inoo sheegaysaa qofka markaad xaq darro ku taageerto oo noocaas oo kale aad ku taageerto, adiguna adigoo fool xun ayuun baa maalinta dambe meel lagaa helo, markaa waxaan saaxiibaday kula talinayaa  si idiin khayr roona illaahay baa og, siyaasaduna saaxiib ma leh, oo kollay annigu rag badan oo xaq sheega meesha [dawlada] kagamaan imane, waxaan leeyahay waar caddaalad darrada iska ilaaliya."  Waxaanu ugu dambayntii Cabdilaahi Darawal ugu baaqay Taageerayaasha UDUB iyo Beesha Caalamka inay il gaar ah ku eegaan Shirweynaha UDUB ee la filayo in uu furmo.

Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Murashaxa labaad ee ilaa hadda ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Madaxweynenimada Xisbiga UDUB dhexdiisa, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa o ka soo baxay Xisbiga UDUB Axmed Sandoon Xasan, ayaa wuxuu yidhi, “Hadii aanu nahay murashixiintii dhawaan shaaca ka qaaday inay u sharaxan yihiin jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB dhexdiisa waxaanu cambaaraynaynaa  talaabadii uu Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga UDUB, taasi oo uu u isticmaalay awood aanu sharci u lahayn oo sharci darro ah, waxaanu Guddoomiye uga dhigay murashixii madaxweyne ku xigeenka ee lamaanaha u ahaa, siddee ayay caddaaladu u dhacaysaa. Ma waxaa uu isagu soo samaystay ayaanu ku daba joogaynaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka Guddidaas ku weheliya oo shaqaalihiisii ah."  Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xubnaha xisbiga UDUB waxaan leeyahay dimuqraadiyadii gacmihina ayay ku jirtaa, ee ka talliya xisbiga aayihiisa iyo dimuqraadiyada"

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland