Xoghayihii hore ee Arrimaha dibedda Xisbiga KULMIYE oo ka baxay Xisbigaas iyo Qoraal uu ka soo saaray arrintaas

Cabirka Farta

Dr. Axmed Xuseen Ciise
Talaado, January 20, 2009(HOL):  Dr. Axmed Xuseen Ciise oo hore u ahaan jiray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxay Xisbigaasi.

Sida lagu sheegay Qoraal rasmi ah oo uu Dr. Axmed Xuseen u diray Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigaasi Jaamac Shabeel, kaas oo u dhignaa sidan;

“Mudane Jaamac:

Salaan qaaliya iyo maamuus kadib, ujeedada qoraalkani waxa weeye inaan ku ogaysiiyo in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18ka bisha Janaayo 2009 aan banaynayo xubinnimadii Golaha Dhexe ee Kulmiye. Waxaan si gaar ah kuugu amaanayaa xilkasnimada iyo aqoonta aad muujisay intii aad hogaanka u haysay Golaha Dhexe, rajaynaayana inaynu mar kale ku kulano hawlo Qaran.

Allaa Mahad Leh.
Dr. Axmed Xuseen Ciise.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland