Khamiis, 05 February 2009 (HOL): Afar Gurri oo daso ama Aqal Soomaali ah ayaa xalay ku gubtay xaafada Sheekh Nuur ee Waqooyi bari magaalada Hargeysa.
Guryahan ayaa dabku ka kacay mid ka mid ah abaaro 7:00 fiidnimo ee xalay, kuwaasoo gabi ahaanba baabay. “Magacaygu waxa weeye Axmed Ismaaciil Ducaale. Afar aqal iyo wixii aduun hoos yaalay ee aanu haysanay ayaa ku gubtay meesha, nasiib wanaagse dadkii waxba kuma ay noqon ee waa laga bad-baadiyay.” Sidaa waxa yidhi Oday Axmed Ismaaciil oo ka mid ah dadka ka ag-dhawaa halka uu dabku ka dhacay.
Oday Axmed waxa uu sheegay in Guryaha ay laba qoys oo ehel ah ay ku noolaayeen, kuwaasoo ka kooban afartii qof oo waalidiin ah oo iyo 12 caruur ah oo ay dhaleen. “Aqalada laba Xaas ayaa deganaa oo laba guri waxa ku noolaa aniga iyo xaaska iyo afar caruur ah, labada kalena Nin aan sodog u ahay oo Cabdirashiid la yidhaahdo oo gabadh aan dhalay sideed caruur ah u leedahay ayaa deganaa. Guud ahaan aqaladii iyo wixii hanti aanu haysanay lacag, raashin, gogol iyo dhar waa huruushoobeen, xataa shan neef oo adhi ah iyo seedeed digaagadood ayaa ku gubtay waadigaa arkaya.” Sidaas ayuu yidhi oday Axmed.
Dabkan waxa u soo gurmaday dadkii la jaarka ahaa iyo qaar ka mid ah ciidamada Boliska Saldhiga xaafada Sheekh Nuur (Kilalka 5-aad) oo u jira Guryahan dabku ka kacay wax aan ka badney 100 talaabo. kuwaasoo ku guntaday inay ka saaraan caruurtii guryahan ku jirtay, iyo inaan dabku ku fidin xaafadaha la jaarka ah oo guryahan aad isugu dhaw.
“Dabku waxa uu bilaabmay abaaro 7:20 ee caweys-nimo, markaa markiiba dabku wuu is wada gaadhay, oo waxaad moodaa inuu sii huriyay Ciinka weli sii qiiqaya. Laakiin, markiiba waxaanu isku hawlay inaanu joojino dabka iyo in aanu dadka ka daad-gureyno, Guryaha mid waxa ku jiray oo hurday lix caruur ah oo midi curyaan –tahay, halka midna ay ka hurdeen afar caruur ahi. hase ahaatee wax hanta ah kamaanu gaadhin in la badbaadiyo….laba baabuur oo damdamis ah ayaa iyana noo yimi oo markii danbe ka qayb-qaatay daminta” Sidaana waxa yidhi Taliyaha Saldhiga Boliska ee xaafada Sh. Nuur. Axmed Haaruun Xasan.
Taliyaha Boliska xaafada damku ka dhacay iyo Aday Axmed Ismaaciil oo ah odayga labadan xaas ee aqaladu ka gubteen oo aanu si gaar gaar ah u weydiinay sababta loo malaynayo in ay damkan dhalisay, waxa ay sheegeen in mid ka mid ah Guryaha faynuus yaalay dabku ka bilaabmay. “Waxa la igu yidhi, mid yar ayaa faynuus riday. Markaas ayuu dabkii qabsaday daahyadii guriga. Markiiba xaga sare ayuu uga baxay..” ayuu yidhi Axmed. Waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Dawladu waa arkaysaa inaanu reerahani meel ay u hoydaan iyo hanti toona haysan, markaa hadii aad I weydiisay waxaan ka codsan lahaa inay arrintan wax nagala qabato.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland