Go’aanno ay qaadatay Warbaahinta Muqdisho ka hor dilka Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik

Cabirka Farta

Khamiis, February 05, 2009(HOL): Shirar ay Toddobaadkii tegay ku yeesheen Agaasimayaasha iyo Tifaftirayaasha Warbaahinta Magaaladda Muqdisho ka howlgasha Xarunta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Magaaladda Muqdisho ayeey falan qeyn iyo dood kadib iskula gaareen Qodobadan.

1-In aan la baahin Muxaadarooyinka sida tooska ah loogu xirayo Idaacadaha Masaajidada oo ay qabtaan Culumadda Soomaaliyeed kuwaasoo ay marar badan dhacday in Mowduucyo Siyaasadeed looga faa’iidaystay iyo arrimo ka baxsan wixii muxaadarada loo qabtay,Waxaana la isla gartay in Muxaadarooyinkaasi loo diro Wariyayaal lana soo duubo,marka la tifaftiro kadibna la baahiyo.

2-In aan la aqbalin Shirarka Jaraa’id ee Qadadka Taleefoonadda, mar hadii ay meesha ka baxeen Ciidamadda Ethiopia oo ahaa sababtii keentay in Dadka qaarkiis ay Shirarka Jaraa’id ku qabtaan Taleefoonadda,Waxaana loo soo jeediyay Xoogaga Islaamiyiinta iyo Cid kasta oo doonaysa in Shir Saxaafadeed ay qabato inay soo wargaliso Maamulada Xarumaha Warbaahinta kadibna wariyayaal loo diro, xittaa haddii ay Gobol tahay.

3-In aan la wareysan qof aysan Bulshaddu ku aqoon Siyaasadda ama waxa uu markaasi ka hadlayo, isla markaana aan laheyn Darajo la yaqaan iyo Magac, iyo in aan la buun buunin koox cusub iyo shaqsi cusub oo Bulshadda aan ku soo kordhinayn wax faa’iido ah, waxaana la isla gartay in dadka la xiganayo ay Noqdaan masuuliyiinta Caanka ah ee la yaqaan oo aanan annagu Xarumaheena warbaahinta ku soo caan bixin qof cusub oo Bulshada aan wax faa’iido ah ku soo kordhinayn.

4-ugu dambayntii waxa ay Warbaahintu isla garatay in la dhiiragaliyo cid kasta oo Nabada ka shaqaynaysa, isla markaana aan bulshadda loo gudbin wararka kicin kara xiisad iyo dhibaato.

Xarumaha Warbaahinta Xorta ah ee Soomaaliya waxeey isla garteen in Qodobadan si isku mid ah loo meel mariyo, isla markaana ay yeeshaan Kulamo joogto ah si looga tashado hadba doorka kaga aadan Nabadda iyo Horumarinta.

Tan iyo markii Qodobadan la meel mariyay waxeey Xarumaha Warbaahintu is hortaageen Shirar Jaraa’id oo ay qadka isgaarsiinta ku qabteen qaar ka mid ah muqaawamada iyo garabyo siyaasadeed  taasoo  loo sababeeyay in dadka ka hadlay aysan ahayn kuwa ku mansab ah Masuuliyiinta ay eedaynayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia