Ururka Al-Shabaab oo sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn dilka Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik

Cabirka Farta

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in uusan wax lug ah ku lahayn dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed, waxayna mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in ay dilka marxuumka ka dambeeyeen dad cadaw ku ah Shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin dilka loo geystay Saciid Tahliil, wuxuuna ku baaqay in la soo qabto oo abaalkooda laga waraabiyo dadkii ka dambeeyay dilka Saciid Tahliil Axmed.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in Al-Shabaab iyo Warbaahinta uu ka dhaxeeyay xiriir wada shaqeyneyd , sidaas darteedna aysan dhici karin in ay dilaan saaxibadooda saxaafadda, “Walaalaha Mujaahidiinta waxaan ugu baaqayaa in ay baaritaan deg deg ah sameeyaan, isla markaana ay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka Saciid Tahliil”ayuu yiri Abuu Mansuur oo tacsi u diray qoyskii uu marxuumka ka geeriyooday iyo bahda saxaafadda.

Sidoo kalena waxaa dilka Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik ka hadlay u qeybsanaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen, wuxuuna sidoo kale sheegay in dilka marxuumka ay ka xun yihiin, ayna ka dambeeyeen dad cadaw ah.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen waxaa uu sheegay in marxuumka ay saaxibno ahaayeen, xiligii fatahaadana ay ka wada qeybqaateen barnaamijyo dadka fatahaadaha waxyeeleen loogu gurmanayay, wuxuuna caddeeyay in uu saameeyay dilka marxuumka.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay beenintan sameeyeen kadib markii la sheegay in xiliga marxuumka la dilayay uu ku socday Shir jaraa’id oo uu ugu yeeray Ururka Al-Shabaab, iyadoo xiligaasna ay la socdeen Agaasimayaal iyo Wariyayaal kale oo ka howlgala Idaacado kale oo Muqdisho ku yaala.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia