Khamiis, February 05, 2009(HOL): Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaaday in ay seddex ka mid ah Maraakiibteeda dagaalka ay u dirtay Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo Maraakiibta iyo Doomaha af-duubta.
Dowladda Sweden ayaa waxay sheegtay in Maraakiibteeda ay Xeebaha Soomaaliya u tegayaan ka qeybqaadashada howlgal uu UN-ka fasaxay oo Atlanta loogu magac daray, kaasi oo lagula dagaallamayo kooxaha burcad badeedka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Carl Bildt ayaa war-murtiyeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in Maraakiibta ay u dirayaan Soomaaliya ay uga jawaabayaan codsi uga yimid Qaramada Midoobay, kaasi oo ahaa in la difaaco xeebaha Soomaaliya iyo maraakiibta raashinka mucaawinada ah wada.
Maraakiib dagaal oo ka socda dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub ayaa waxay horay uga bilaabeen Xeebaha Soomaaliya howlgallo ay kula dagaallamayaan burcad badeedka, wuxuuna howlgalkaas bilowday 8-dii December 2008.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Maraakiib badan oo qaarkood ay ka socdaan Dowladaha waa weyn ee Caalamka hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiraan wax tallaabo ah oo ay ka qaateen kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia