
Khamiis, February 05, 2009 (HOL) - Waxaa saaka lagu aasay deegaanka km13 ee duleedka Magaalada Muqdisho Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed oo shalay rag hubeysan ay ku dileen Suuqa Bakaaraha.
Aaska marxuumka waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray ehelladiisa iyo asxaabtiisa, kuwaasi oo si weyn uga tiiraanyeysnaa dilkii loo geystay weliba isagoo gudanayay waajibaadkiisa shaqo.
Meydka marxuumka oo laga qaaday Isbitaalka Madiina ayaa markii lagu aasay Qabuuraha km13 waxaa qabriga dushiisa ka hadalay Abwaan Xasan Jaceyl oo ka tirsan howl-wadeennada Idaacadda Horn Afrik, isla markaana ay marxuumka muddo dheer soo wada shaqeynayeen.
Abwaan Xasan Jaceyl waxaa uu sheegay in marxuum Saciid Tahliil Axmed ay ka soo wada shaqeeyeen Raadiyo Muqdisho, kadib burburkiina ay ka wada shaqeynayeen Idaacadda Horn Afrik, isagoo caddeeyay in marxuumka uu hal-abuurkooda lahaa barnaamijyo badan oo Idaacadda ka baxa.
Sidoo kale, waxaa duugta ka hadlay Agaasime ku xigeenka Idaacadda Horn Afrik Axmed C/raxmaan Jaakat, wuxuuna sheegay in dilka marxuum Saciid Tahliil uu ahaa mid ay si weyn uga tiiraanyoodeen, wuxuuse sheegay in Saciid waqtigiisa dhamaaday, qof walbana uu maalin dhiman doono.
Axmed C/raxmaan Jaakat waxaa uu intaas ku daray in dilka loo geystay Saciid Tahliil aysan u hakad doonin howlihii ay waday Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik, wuxuuna sheegay in horay loo dilay qaar ka mid ah milkilayaashii iyo howl-wadeennadii Idaacadda, taasina aysan hakin howsha shirkadda.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in Idaacadaha Horn Afrik, Capital Voice, TV-ga iyo Website-ka Horn Afrik ay sidoodii u shaqeyn doonaan, ayna ka heli doonaan wararkii iyo macluumaadkii ay ka heli jireen”ayuu yiri Axmed C/raxmaan Jaakat.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia