Ururka isku xirka Suxufiyiinta Goballka Hiiraan oo cambaareyn u jeediyay ciddii ka dambeysay dilkii loo geystay Agaasimihii Idaacada Horn Afrika

Cabirka Farta

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Ururka Isku xirka Suxufiyiinta Goballka Hiiraan HIJONET ayaa canbaareyn u jeediyay cid kasta oo ka dabeysay dilkii Waxuushnimada ahaa ee loo geystay Agaasimihii Idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed.
 
Xubnaha Ururka oo markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka Alle ha u Naxariistee Saciid Tahliil qaatay kulan deg deg ah ayaa waxaa ay ugu danbeytii tilmaameen in dilkaasi yahay fariin ku socta dhamaan Suxufiyiinta ka howlgasha gudaha dalka, kuwaa oo kooxaha isku diidan Siyaasada ka dhigtaan bartilmaameed ay ku tijaabiyaan awooda ay u lee yihiin hergalinta amarada ay soo saaraan.
 
"Fariimaha is daba jooga ah ee ku qoran dhiiga Ma mooga Warbaahintu, waxaana xusid mudan in maalin maalmaha ka mid ah waqtigu la xisaabtami doono kuwa gala falalka lagu u gaarsanayo dadka qiimaha ku dhax leh Bulshada, ayaa lagu yiri qoraal uu ururku soo saaray waxaana uu ururku Cabaareyn dusha uga tuuray cid kasta oo fulisay filkii shalay lagu toogtay Saciid Tahliil Axmed.
 
Dhinaca kale Ururka Isku xirka Suxufiyiinta Goballka Hiiraan waxaa uu sheegay in marka la eego dilalka isa soo taraya yihiin kuwo in badan oo ka tirsan Suxufiyiinta ku ridi kara baqdin ugu danbeytii sababta in qaarkood farahaba ka laabtaan howlaha ay u hayaan Bulsho weynta Soomaaliyeed, isaga oo Ururku baaq u diray Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed si markaa isha loogu hayo xaalada ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta ka howlgasha gudaha Dalka Soomaaliya.
 
Dhamaan Xubnaha ururka ayaa si wada jir ah Tacsi ugu diray Dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo waliba Eheladda Alle ha u Naxariisteen Saciid Tahliil Axmed oo ahaa shaqsi u taagan mihnadiisa shaqo, waxaana uu lee yahay Ururku Alle ha u Naxariisto Saciid Tahliil Qoyskiisiina Samir iyo Iimaan Alle ha ka siiyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia


Suxufiyinta Puntland oo Canbaareeyay dilkii loo gaystay Agaasimihii Idaacadda iyo TVga Horn Afrik

Khamiis, January 29, 2009(HOL): Ururka Suxufiyiinta Puntland ee Map ayaa canbaareeyay dilkii loo gaystay agaasimihii Idaacada madaxa banaan iyo TVga Horn Afrik Siciid Tahliil oo maalintii shalay ahayd lagu dilay magaalada Muqdisho, iyagoo dilkaasi ku tilmaamay mid arxan darro ah oo lagu waxyeelaynayo suxifiyiinta Soomaaliyeed.
 
Idaacadaha qaar ee ka hawl gala gudaha DGPL ayaa ka dib dilkii agaasimaha isaga baxay hawada isla markaana hakiyay barnaamijyadii gaar ahaan idaacadda Horseedmedia oo ka hawl gasha magaalada Bosaaso,waxaana dhamaan suxufiyiinta Puntland ay tacsi tiiraanyo leh u diraan ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Siciid Tahliil.
 
Xogyahaya uruka Suxifiiyiinta Puntland Burhan axmed Daahir ayaa sheegay in dilka loo gaystay agaasimihii idaacada iyo TVga Horn afrika uu ahaa mid ula kac ah,isagoo beesha Caalamka ugu baaqay in la sameeyo Maxkamad lagu qaado danbiyada loo gaysto suxifiyiinta Somalia.
 
Siciid tahliil oo si aad ah looga yaqaanay dhamaan dalka Somalia ayaa ahaa nin muddo ku soo dhex jiray warbaahinta , isla markaana aqoon buuxda u lahaa arimaha Saxaafadda ,waxaana uu dhintay isaga oo ku guda jira hawlaha Saxaafadda.
 
Dilka loo gaystay Siciid Tahliil oo ay wada canbaareyeen maamullada idaacadaha ka hawl gala Puntland ayaa imaanaya, iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay gudaha Somalia isaga baxeen suxufiyiin fara badan, kuwaaasi oo isaga cararaya dilalka loo gaysto suxufiiyiinta.
 
 
INAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia