Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga oo xaqiijiyay in labo Sooro oo af-duub loogu heystay Soomaaliya la sii daayay

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi
Khamiis, February 19, 2009(HOL): Laba Sooro oo u dhashay Dalka Talyaaniga, isla markaana laga af-duubtay Bishii November ee sanadkii hore Degmada Ceel Waaq ee Dalka Kenya ayaa la sii daayay, sidaas waxaa xaqiijiyay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi.

Labadan Sooro oo lagu kala magacaabo Maria Teresa Olivero (60 sano jir) iyo Caterina Giraudo (67 sano jir ah) ayaa markii la af-duubtay waxaa loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, halkaasi oo lagu hayay ilaa markii la sii daayay.

Rag hubeysan ayaa labada Sooro qafaashay 10-kii November 2008, waxayna markii la af-duubayay ka shaqeynayeen Gobolka W/bari ee Kenya, gaar ahaan Degmada Ceel Waaq, halkaasi oo ay ku caawinayeen dad ay macluul iyo caafimaad darro heysay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo warkan markii ugu horeysay shaacisay ma aysan bixin wax faahfaahin dheeraad ah, marka laga reebo Ra’iisal Wasaare Silvio Berlusconi oo isagu xaqiijiyay warka ku saabsan sii deynta labadaas Sooro oo uu sheegay in haatan lagu hayo Safaaradda Talyaaniga uu leeyahay Magaalada Nairobi.

Ra’iisal Wasaare Berlusconi ayaa marka uu hadalkan sheegayay waxaa uu kulan booqasho ah la lahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Britain Gordon Brown, wuxuuna caddeeyay in niyadda labada Sooro ay wanaagsan tahay.

Mid ka mid ah labada Sooro ee la sii daayay oo lagu magacaabo Caterina Giraudo ayaa u sheegtay Taleefashinka Talyaaniga laga leeyahay ee SKY TG24 TV in iyada iyo saaxibadeed Olivero ay wanaagsan yihiin, “Wax badan ayaan baryootannay intii nala heystay, waana wax aan la rumeysan karin in aan xoriyaddeeda dib u helnay”ayay tiri Caterina Giraudo.

Ugu dambeyntiina, Dalka Soomaaliya oo muddo 18 sano ah aan lahayn wax nidaam iyo kala dambeyn ah ayaa waxaa caadi ka noqday af-duubka iyo dilalka sida gaarka loola bartilmaameedsado dadka ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadannimada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia