Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in uu isbaarooyin ka qaaday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Khamiis, February 19, 2009(HOL): Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col. C/llaahi Xasan Bariise ayaa xaqiijiyay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu saaka isbaarooyin lacago sharci darro lagu qaadi jiray uu ka qaaday Ex-Koontarool Afgooye oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Col. C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in isbaarooyinkaas ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da, wuxuuna sheegay in lagu wareejiyay Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo hadda kadib sugi doona ammaanka meelaha isbaarooyinka laga qaaday.

Isbaarooyinkan ayaa waxay ahaayeen kuwo ay dhibaatooyin ku qabeen dadka iyo gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha  Magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho, waxaana labo isbaaro oo taalay Ex-Koontarool Afgooye iyo halka loo yaqaano Sar-kuusta ay ahaayen kuwo dadka iyo gaadiidka BL-ka ah dhac iyo handadaad loogu geysan jiray.

Tallaabada uu qaaday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ka dambeysay kadib amar  uu soo saaray guddi ammaanka qaabilsan, kaasi oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Ciidamo ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo ku howlgelaya magaca Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa lagu arkayay meelaha laga qaaday Isbaarooyinkaas, mana jirin wax lacago sharci darro ah oo dadka iyo gaadiidka laga qaadayay.

Dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa si weyn u soo dhaweeyay qaadista isbaarooyinkaas oo horay looga qaadi jiray lacag aad u badan oo Gaadiidleyda qaarkood ku xambaartay in ay shaqo-joojin sameeyaan bacdamaa ay awoodi waayeen in ay bixiyaan lacag badan oo isbaarooyinkaas looga qaadi jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia