
Muhaajiriin Soomaali u badan oo gaaray Malta
Khamiis, February 19, 2009(HOL): Doon ay saaran yihiin 227 muhaajiriin ah oo u badan Somaaliya ayaa gaaray xalay Saqdii dhexe Magaalada Wied il-Buni oo ka tirsan Jasiiradda Malta, iyagoo dadkaasna ay saarnaayeen doon nooca kalluumeysiga ah.
Doontan ayaa waxaa arkay ciidamada ilaalada xeebaha Malta, kadibna waxaa si deg deg ah loogu diray Diyaarado Helicopter ah iyo gaadiid kale oo lagu soo daad-gureeyay dadkaas Muhaajiriinta ah oo la il-darnaa harraad, baahi iyo qabow.
Muhaajiriintan oo rag qaan-gaar ah u badnaa ayaa 22 ka mid ah waxay ahaayeen haween iyo caruur. Soomaali badan oo ka cararay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay ku sii qul-qulayaan dalalka Talyaaniga iyo Malta, iyagoo doomo yar yar ka raaca Xeebaha Dalka Liibiya.
Waxaa jiray Soomaali badan oo ku dhintay Badda Mediterranean-ka, kuwaasi oo ay la qalibmeen doomankii ay la socdeen. Dadkaasi ayaa waxay doonayeen in ay helaan nolol ka wanaagsan tii ay Soomaalida uga carareen balse waxay noloshooda soo af-jarantay intii aysan gaarin meelihii ay u socdeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia