Khamiis, February 19, 2009(HOL): Madaxa Xafiiska isku xirka Hormarinta iyo Arrimaha Bani'aadanimada ee Goballka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa markii ugu horeysay Warbaahinta u soo bandhigay Qorshaha Hay'addaha UN-ku ka lee yihiin Goballka Hiiraan, kadib markii dhowr jeer hore kormeero is xig xigay ay ku tageen Goballka Saraakiil Sar sare oo ka socday UN-ka.
C/fitaax Xassan Afrax waxaa uu sheegay in markii ay arkeen Hay'addaha UN-ku Nabad-galyada Buuxda ee ka jirta Goballka ay ku dhiiradeen in ay soo diraan Saraakiil si dhab ah ugu guurgasha si badalka ku yimid dhinaca Nabad-galyada, waxaana uu intaa raaciyay in Saraakiishu u sheegeen Xafiiskiisa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga bilaabo doono Goballka Hiiraan Arrimaha gar gaarka iyo waliba hormarinta kuwaa oo bilihii ugu danbeeyay aan u socon sidii loo baahnaa.
Sidoo kale waxaa uu Carabka ku adkeeyay in marka hore xooga la saari doono Arrimaha hormarinta sida dhismaha Wadooyinka, Kaabadaha yar yar ee isku xira jidadka, iyo waliba Dayactir lagu sameeyo Buundada Degmadda Buula-burte oo sida uu yiri dhawaan ay booqdeen Xubno ka tirsan WFP qeybteeda dhismaha, kuwaa oo inoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laaban doonaan Goballka.
" Marka hore Annagu waxeynu xooga saareynaa in Hay'addaha UN-ku dar dar galiyaan holahooda dhinaca Samafalka, waayo waa la og-yahay dib u dhicii ka jira Goballka bilihii aynu soo dhaafnay taasoo ay sababtay Nabad-galyo la'aantii Goballka soo martay'' ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax oo dhinaca kale sheegay in ay maanka ku hayaan gar gaarka ay u baahan yihiin dadka tabaaleysan.
Madaxa Xafiiska isku xirka Arrimaha Bani'aadanimada waxaa uu warbixintiisa sidoo kale ku sheegay in Hay'addaha UN-ku qorsheynayaan in ay ka dhistaan Goballka xarun dhexe oo laga wadi doono Arrimaha Samafalka iyo waliba hormarinta, isaga oo intaa ku daray in sidoo kale la rajeynayo in Goballka dhamaan Xafiisyadooda si rasmi ah uga furtaan Hay'addaha wali ka maqan.
C/fitaax Xassan Afrax waxaa uu warbixintiisa ku daray codsi uu u jeedinayo bulsho weynta Goballka, gaar ahaan Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka si looga wadda shaqeeyo Nabad-galyada oo fure u ah hormar bulshadu gaarto.
Waana markii ugu horeysay oo uu si rasmi ah Xafiisku uga hadlo socdaalka Saarkiil ka tirsan UN-ka oo maalmihii ugu danbeeyay si aan kala go'laheyn u soo gaarayay Magaalada Beledweyne ee xaruta u ah Goballka Hiiraan.
Dadka ku dhaqan Goballka Hiiraan ayaa muujinaya dareen la xiriira in ay dib u bilaaban doonaan howlihii gar gaarka oo dhowr bilood ka hor u is taagay sababo dhinaca Nabad-galyada ah, waxaana muuqaneysa in socodsiinta howshan ay qeyb wanaagsan uga jiraan Mas'uuliyiinta sare sare Maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan Goballka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Madaxa Xafiiska isku xirka horumarinta iyo Arrimaha Bani'aadannimada ee G/Hiiraan oo warbaahinta u soo bandhigay qorshaha Hay'addaha UN-ka ee Goballka Hiiraan
More News
- Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga oo xaqiijiyay in labo Sooro oo af-duub loogu heystay Soomaaliya la sii daayay
- Culumaa’udiin Shir ku yeeshay Muqdisho oo ku baaqay in 120 maalmood gudahood dalka looga saaro Ciidamada Amisom
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in uu isbaarooyin ka qaaday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye
- Maamulka Puntland oo ballan-qaaday in uu la shaqaynayo hayadaha samafalka ee ka hawlgala Puntland
- Tahriibayaal kale oo Soomaali u badan oo gaaray Malta
- CAASINIMO ISKA JIR