CAASINIMO ISKA JIR

Khamiis, February 19, 2009(HOL): - Abuu-Bakrata, Nufayc ibnul-Xaarith (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (War hooya ma idiin sheegaa dembiyada waaweyn kuwa ugu waaweyn) "saddex jeer". Waxaan niri: Haa Rasuul Alloow. Wuxuu yiri: (Eebboo shirko loo sameeyo "wax kale lala caabbudo", waalidkoo lagu caasiyo), xusulkuu cuskanaaye wuu soo fariistay, markaas buu yiri: (War hooya hadalka been abuurka ah iyo markhaati beenaadka), wuxuuna ku celcelinayay ilaa aan is dhahnay mar uun muu aamuso)[1].

- Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa soo hadal qaaday ama wax laga weydiiyay dembiyada waaweyn, wuxuna yiri: (Eebbe oo shirko loo sameeyo, labada waalid oo caasi lagu noqdo, naf la gooyo iyo markhaati beenaad la furo)[2].

- Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dembiyada waaweyn waxaa kamid ah ninka oo labadiisa waalid caaya). Waxa la yiri: Rasuul Alloow ma nin baa labadiisa waalid caayaya?. Wuxuu yiri: (Haa, ninku wuxuu caayaa ninka kale aabbihiis, markaas buu isna aabbihiis caayaa, wuxuu caayaa hooyadiis markaas buu isna hooyadiis caayaa)[3].

- Waxa kaloo laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dembiyada ugu waaweyni waa Alloo shirko loo sameeyo, labada waalid oo lagu caasiyo, naf la gooyo iyo dhaar quudsiiso)[4]. Quudsiiso waxa loogu bixiyay qofka ayaa ulakac been ugu dhaaranaya markaas bay dembi quudsiinaysaa.

- Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Waxa sandulloobay oo sandulloobay oo sandulloobay qofkii labadiisa waalid, labadooda ama midkood gaboow ku gaara keddibna aan Janno gelin)[5].

- Waxa kaloo  laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Saddex baryo shaki ma laha oo waa la aqbalayaa; ducada qofka dulman, ducada musaafurka iyo habaarka labada waalid ay ubadkooda habaaraan)[6].

- Mughiira ibnu Shucba (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Eebbe wuxu idinka xarrimay hooyoooyin ku caasin, "wixii lagugu leeyahay" diid iyo "wax aadan lahayn" doon, gabdho nolol ku duug, wuxuna idinla nacay kutiri kuteen, weydiisasho badni iyo maal ku ciyaarid)[7].
 
FIIRO GAAR AH: FADLAN KUSOO BIIR KALFADHIGA LA MAGACBAXAY [email protected] OO AAN KUGU CASUUMAY.
 
MAHADSANID

[1]  Bukhaari (2654, 5976, 6273, 6919), Muslim (87).
[2] Bukhaari (2653, 5977, 6871), Muslim (88).
[3] Bukhaari (5973), Muslim (90).
[4] Bukhaari (6675, 6920).
[5] Muslim (2551).
[6] Axmed (7501), Tirmidi (1905), Abuu-Daa'uud (1536), Ibnu-Maaja (3862).
[7] Bukhaari (1477).

--
Sabriye M. Musse
1865 Northway Dr. #21
North Mankato, MN 56003
U.S.A.
Email: [email protected]
Email: [email protected]