Khamiis, February 19, 2009(HOL): C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxwaynaha DGPL oo la kulmay hay’ado ka socda Beesha Caalamaka ayaa codsaday in loo baahan yahay shixnado cunto ah oo la soo gaarsiiyo DGPL si aysan u dhicin masiibooyin ka dhasha dhanka nolosha.
Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay hay’adaha samafalka in ay ka gaabiyeen dawrkii ay ku lahaayeen yareynta cuna la,aanta ka jirta xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala deegaannada Puntland.
"Hay’adaha Samafalka labadii bilood ee ugu dambaysay waxaa ay ahaayeen kuwa ka gaabiyay wax ka qabashada arimaha dadka soo barakacay"ayuu yiri madaxwayne Faroole oo la shiray hay’ado Qaramada Midoobay ka socday.
Dhinace kale Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mark Bawden oo ka mid ahaa wafdigii soo gaaray magaalada Garowe ayaa maamulka cusub ka codsaday in la yareeyo dambiyada ka dhacaya xeebaha Puntland, isagoo farta ku fiiqay Burcad badeedda, waxaana sidoo kale masuulkaan uu farriin u diray bulshada reer Puntland ,taasi oo ku aadaneyd in meel looga soo wada jeesto sidii loola dagaallami lahaa Burcad badeedda ku soo badanaysa xeebaha Soomaalliya
Ugu danbayntii Madaxwayne Faroole ayaa sheegay in maamulka Puntland oo si aad ah ula shaqayn doona hay’adaha Qaramada Midoobay ka jooga gudaha DGPL, inkastoo beryihii u dambaysay amni xumo ay soo food saartay hayadaha ka shaqeeya meelo ka mid ah Puntland.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia