Sabti, February 14, 2009(HOL): Banaanbax uu soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo banaanbaxaasna lagu taageerayay Magacaabidda Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ee Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Banaanbaxan oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u faro badan ayaa wuxuu ku soo gebageboobay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi kula hadlay dadkii isugu yimid madaxda gobolka, gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo ku xigeenka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo la hadlayay dadkii isugu soo baxay Xarunta Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ay ugu hambalyeynayaan Ra’iisal Cumar C/rashiid xilka loo magacaabay, madaxweyne Shiikh Shariifna ay ku ammaanayaan sida uu hadalka u dhigay tallaabada geesinimada leh ee uu qaaday.
“Waxaan aaminsan nahay in Ra’iisal Wasaaraha cusub oo ah Nin Aqoonyahan ah oo dalka iyo dibadda wax ku soo bartay, dhalinyaro-na ah uu wax ka qaban karo xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay, waxaana leenahay Dhal Dowlo (ilmo madax dowladeed dhaleen) ma soo xumaadaan”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha cusub ku soo dhaweyn doonaan Magaalada Muqdisho.
Dadkii isugu soo baxay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ku dhawaaqayeen halku-dhigyo ay ku taageerayeen Dowladda cusub iyo madaxdeeda, waxayna codsanayeen in dowladda cusub ay wax ka qabato dhibaatooyinka dalka ka jira, gaar ahaan kuwa la degay Caasimadda Muqdisho.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Culumaa’udiinka heshiisiinta Shiikh Cali Xaaji Yuusuf ayaa soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha loo magacaabay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in intiiba aan la gaarin wax uu qabto uu deeqay hadalkii ugu horeeyay ee uu jeediyay markii la magacaabay.
“Wuxuu yiri waxaan wax ka qaban doonaa dhibaatada heysata dadkii ku barakacay dagaalladii dalka ka dhacay, gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan duleedyada Muqdisho iyo xerooyinka Kenya, hadalkaasna waxaa ka muuqata mas’uuliyad”ayuu yiri Shiikh Cali Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia