Sabti, February 14, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole oo maanta shir ku qabtay madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa hambalyo u diray Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Dr. Cumar C/rahsiid Cali Sharma’arke.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxwaynaha DGPL in ay aad u soo dhawaynayaan magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya,waxaana uu ku booriyay in uu wax ka qabto siyaasadaha is-diidan ee Dalka Somalia ka jira.
"Ogaalkeyga waa Nin wanaagsan Ra’iisal Wasaaraha loo soo magacaabay Somalia, waxaana ka filaynaa in uu wax ka qabto xaaladaha dalka" ayuu madaxweyne Faroole wariyayaasha ugu sheegay madaxtooyada magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa farriin u diray dhamaan shacabka reer Puntland ,taasoo ku aadneyd in la taageero xukuumadda cusub ee uu Madaxwaynaha ka yahay Shiikh Shariif Sheekh Axmed.
Dhamaan goobaha lagu qaxweeyo ee ku yaala magaalada Boosaaso ayaa maanta ilaa shalay laga hadal hayaa magacaabida Cumar C/rashiid Cali Sharmaake,iyagoo dadka intooda badan soo dhaweeyeen Ra’iisal Wasaaraha cusub.
Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cumar C/rahiid Cali Sharma’arke ayaa la sheegay in uu yahay mid karti iyo aqoon dheeraad ah u leh wax ka qabashada xaaladaha dalka Somalia,wuxuuna isagoo ka tirsan Qaramada Midoobay uu ka soo shaqeeyay Dalalka Suudaan iyo Siera Leone.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia