Sabti, February 14, 2009(HOL): Marka laga soo tago Dugsiyada Sare waxaa Magaalada Beledweyne bilihii ugu danbeeyay ku soo badanayay Machadyo ay hergaliyeen Aqoonyahanno u muuqda kuwa xooga saaraya in Ardeyda soo dhameysata Waxbarashada Dugsiyada Sare ka maarmaan in qeybaha kale ee dalku ka kooban yahay ama xitaa Dalka dibadiisa u aadaan dhameystirka heerkooda Aqoonta, kuwaa oo mar marka qaar aan Nasiib u yeelan.
Machadka Barashada Maamulka iyo Xisaabaadka ee HIMA ayaa markii ugu horeysay waxaa uu shahaado gudoonsiiyay Arday ka qalan jabisay Barashada Maamulka iyo Xisaabaadka kuwaa oo Munaasabadii lagu gudoonsiinayay Shahaadada ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Islaamiga Goballka, Maamulayaasha Dugsiyada, iyo waliba qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.
Maamulaha Machadka HIMA C/risaaq Cali Good oo ugu horeyn ka hadlay Munaasbada ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in lagu guuleysto soo saarista dhaliyaro Aqoon durugsan u leh Maamulka iyo Xisaabaadka, islamarkaana awood buuxda u yeelan kara in ay Bulashada ugu adeegaan waxa ay soo barteen isaga oo intaa raaciyay in waxbarashadu tahay mid aan dhamaan laakiin la dhihi karo waxaa la joogaa bilow aad u waagsan.
Guddoomiyaha Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan Cismaan Max'uud Cilmi oo ka mid ahaa Xubnihii ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in qofka Bani'aadamka ah loo baahan yahay in uu lee yahay Xirfad looga danbeeyo Tusaale ahaan waxaa uu yiri '' Marka laga hadlayo Reer Miiga Qofka sida weyn u yaqaana shubista Ceelasha iyo waliba dhaqashada Xoolaha Waa Aqoonyahan waayo waxaa si gaar ah u bartay howl laga yaabo in dadka kale ay la Aqoon, Sidoo kale Qofka Beerleyda ah ee sida wanaagsan u yaqaana Abuurka iyo waliba qodashada Beeraha waa Aqoonyahan bartay howl isaga u gaar ah oo laga yaabo in qofka kale dhib ku tahay.
Waxaana uu Cismaan Caato u mahad Celiyay Maamulka iyo Macalimiinta Machadka HIMA oo sida uu sheegay ku soo kordhiyay Goballka labo Maado oo loo baahnaa in la helo dad Aqoon u leh.
Machadka ayaa waxaa uu fursad siiyay qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada oo la dhihi karo waa kuwa ugu badan ee wax ka barta, sidoo kale waxaa iyaguna fursad u helay in ay sare u qaadaan Aqoontooda la xiriirta Maamulka iyo Maareyta shaqaalaha ka howlgala hay'adaha oo u baaha in ay bartaan habka Wax loo Maamulo.
Si kastaba ha ahaatee, in badan oo ka mid ah Ardayda Goballka Hiiraan waxaa la oran karaa waa kuwa niyad wanaagsan u haya in ay sii dhameystirtaan Dugsiyada Waxbarashada iyaga oo maanka ku haya in ay helayaan marka ay ka soo baxaan Dugsiga Sare Machadyo u sahlaya in ay sii dhameystirtaan Waxbarshadooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Shahaado la guddoonsiiyay Ardeydii ugu horeysay oo ka soo qalin- Jebisa Machad lagu barto Maamulka iyo Xisaabaadka oo ka furan Magaalada Beledweyne
More News
- Reer Gedo oo sheegay in Dowladda cusub ee Soomaaliya ay xaqoodii duudsiisay
- Muqdisho oo laga soo dhaweeyay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Baarlamaanka Soomaaliya oo codka Kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Sharma-arke
- Meles Zenawi: Waan taageereynaa Sharif
- Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sheegay in ay Xukuumaddiisa muhiimad gaar ah siin doonto seddex Arrimood
- Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya
- Madaxwaynaha Puntland oo hambalyo u diray Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo Shacabka Puntland oo soo dhaweeyay