Sabti, February 14, 2009(HOL): Wakiilka gaar ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa soo dhaweeyay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharma-arke oo intii aan xilkan loo magacaabin la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay.
“Waxaan u maleynayaa waa qof leh daacadnimo iyo khibrad soo af-jari karta isku dhacyadii soo jireenka ahaa ee soo dhexmari jiray madaxweynayaashii iyo Ra’iisal Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray”ayuu yiri Ould Abdallah.
“Waan la shaqeyn doonaa Ra’iisal Wasaaraha cusub, beesha caalamkana waxaan ku guubaabin doonaa in ay taageerto nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Wakiilka gaar ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah.
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma-arke, kaasi oo 15kii Oktoobar 1969 lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
“Waxaan u doortay Cumar C/rashiid Sharma-arke in uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, waxaana u rajeynayaa guul, anigoo intii karaankeyga ah ku caawin doona Ra’iisal Wasaaraha sidii uu xilkiisa u gudan lahaa”sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo aqrinayay wareegtadii uu ku magacaabay Ra’iisal Wasaaraha cusub.
Ra’iisal Wasaare Sharma-arke oo 48 sano jir ah, isla markaana heysta dhalashada dalka Canada waxaa uu ka soo shaqeeyay Dalalka Suudaan iyo Sierra Leone isagoo ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay, wuxuuna Cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda uu ka bartay Jaamacadda Carleton ee Dalka Canada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia