![]() |
| Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke |
Ra’iisal Wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabaddii lagu magacaabay ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay ka shaqeyn doonto Dib u heshiisiinta, Nabadeynta iyo Gargaarka Bani’aadannimada.
“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay xoogga saari doontaa Dib u heshiisiinta, waxayna gacanta u haatin doontaa Kooxaha mucaaradsan Dowladda Soomaaliya, Ammaanka Dalka ayay wax ka qaban doontaa, sidoo kalena dadkii ku barakacay dagaalladii dalka ka dhacay ayay guryahooda ku soo celin doontaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Qodobada uu soo qadimay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya in ay xukuumaddiisa ku shaqeyn doonto ayaa waxay yihiin kuwo uu horay u soo bandhigay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo markii la magacaabay sheegay in uu wax ka qaban doono Dib u heshiisiinta, Nabadeynta iyo Gargaarka Bani’aadannimada.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo wax ku bartay dalalka Soomaaliya iyo Canada, waxaa uu la soo shaqeeyay Hay’ado hoos-yimaado UN-ka, wuxuuna xilkan ku helay qaab qeybsiga Afar Beelood iyo Bar (4.5) ee salka u ah Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, wuxuuna ka soo jeedaa Beesha Daarood, halka Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ay ka soo kala jeedaan Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.
Ugu dambeyntiina, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu cod kaslooni ah u qaadayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo haddii uu helo kalsoonida Baarlamaanka soo dhisi doona Xukuumad tayo ah oo laga sugayo in ay wax ka qabato dhibaatooyin badan oo ka jira dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
