![]() |
| Baarlamaanka Soomaaliya |
Kulankii Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), isla markaana ay ka soo xaadireen 425 mudane ayaa 414 mudane oo ka mid ah waxay codka kalsoonida siiyeen Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, 9 mudane waa diideen in ay codka kalsoonida siiyaan, 2 mudane oo kalena waa ay ka aamuseen.
Ra’iisal Wasaare C/rashiid ayaa markii uu codka kasoonida helay kadib waxaa lagu hor-dhaariyay xubnaha Baarlamaanka, hadal kooban oo uu dhaarta kadibna jeediyayna waxaa uu ku sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay xoogga saari doonto dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo gargaarka bani’aadannimada, qorshahaas u degsanna waxaa soo dhaweeyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isna hadal ka jeediyay munaasabaddii Baarlamaanka uu codka kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare C/rashiid ayaa wuxuu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha looga fadhiyo in uu soo dhiso xukuumad karti leh oo dalka iyo dadka ka saarta dhibataada ay ku jiraan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu rajeynayo in ay xukuumadda cusub la imaan doonto qorshe howleedyo wax-tar leh.
![]() |
| Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashidi Cali Sharma-arke |
Dowladda Midnimada Qaran ee haatan u dhisan Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla fursado ay ka faa’iideysan weysay Dowladdii hore ee TFG-da iyo caqabado uga imaan doona dhinaca kooxo ka soo horjeeda oo horay u sii shaqeeyay in aysan aqoonsaneyn, isla markaana aysan aqoonsan doonin dowladda lagu soo dhisay Dalka Jibouti.
Ugu dambeyntiina, Madaxwyenaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabay ayaa labaduba waxay yihiin kuwo dhalinyaro ah, waxaana laga sugayaa in ay maraan waddo ka duwan middii ay mareen madaxdii horay u soo maray Soomaaliya oo muddo 18 sano ah ku guuleysan waayay in ay xal u helaan mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

