Heshiiskii is-fahamka ahaa ee dhexmaray Kenya iyo Somalia oo la horgeynayo Baarlamaanka Soomaaliya

Jimco, April 24, 2009(HOL): Waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo heshiiskii is-fahamka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Kenya iyo Somalia, kaasi oo ay shaki ka muujiyeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baalramaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa isagoo shalay la hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in heshiiskaas la horkeeni doono Baarlamaanka, wuxuuna mudanayaasha ka codsaday in aysan degdegin oo ay joojiyaan dhaliilaha ay heshiiskaas u jeedinayaan iyagoo aanan arkin.

Heshiiskii is-fahamka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wuxuu ku saabsanaa xuduud badeedyada u dhaxeeya labada dal, waxaana markii uu heshiiskaas dhacay kadib soo baxay warar sheegayay in dowladda Soomaaliya ay Kenya kula heshiisay in ay qaadato qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo heshiiskaas u saxiixay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in waxa ay wada saxiixdeen labada dowladood uu yahay heshiis is-faham ah, wuxuuna beeniyay in ay Kenya ka iibsadeen qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya