Jimco, April 24, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu mid qiyaano ah ku tilmaamay go’aankii uu dhawaan gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa in Shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya.
Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in go’aanka uu gaaray Baalamaanka Soomaaliya uu ahaa mid lagu gaaloobayo, “in gacanta loo taago ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaaba ah mid lagu gaaloobayo, waayo kala doorasho ma lahan in lagu dhaqmo iyo in aan lagu dhaqmin Shareecada Islaamka”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali.
Shiikh Xasan Yacquub Cali waxaa uu intaas ku daray in Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa ay isugu mid yihiin isla markaana ay la dagaallami doonaan.
“Isku mid ayay noo yihiin Dowladdii ridada ahayd ee C/llaahi Yuusuf iyo qoladan Dowladda sheeganaya, waana la dagaallami doonnaa iyaga iyo ciidamada gaalada ah ee ilaalada u ah”ayuu hadlakiisa ku sii daray Shiikh Xasan Yacquub Cali.
Mar wax laga weydiiyay Shiikh Xasan Yacquub sida uu u arkayo in Dowladdan uu madaxweyne ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xiligii Maxkamadaha Islaamka ay taabacsanaayeen ayaa sheegay in sida uu u yiri aaney isku mid ahayn Shariifkii shalay iyo Shariifka maanta, “Halka sarta ka quruntay ayaaba Shariifka ah oo hadda taageero weydiisanaya Yuhuud iyo Nasaaro”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali oo intaas ku daray in aaney Diinta Islaamka kaalmo uga baahneyn Yuhuud iyo Nasaaro.
Shiikh Xasan Yacquub Cali oo u warramayay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu si kulul u weeraray Waxgarad iyo Odayaal Reer Muqdisho ah, kuwaasi oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in ay Muqdisho ka dagaallamaan dad ka soo jeeda Gobollo kale, “Odayaashaas waxaan leeyahay joojiya mujaahidiinta aad kala saareysaan, Xamarna lama kala lahan waa laga wada jihaaday. Ma waxaad leedihiin mujaahidiinta aan reer Muqdisho ahayn xiligii Itoobiyaanka dalka joogeen ayaa la idiin baahnaa haddana la idiinma baahna, hadalkaasi ma ahan mid la idinka yeelayo, Dadka ku dhaqan Muqdisho, kuwo Baydhabo iyo kuwa Kismaayo-na waa isku mid”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Xasan Yacquub waxaa uu hadlay sida uu u arko Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweysay go’aankii Dowladda ee ahaa inay Shareecada Islaamka dalka ku dhaqeyso, wuxuuna sheegay in ay Culimadaas u arkayaan kuwo aan dhexdhexaad ahayn, “Waxaa daliil u ah in aysan dhexdhexaad ahayn. maalin kasta waxay ka hadlaan oo ay afka ku hayaan mujaahidiinta, lama arkin hal maalin iyagoo ka hadlaya Ciidamada Gaalada ah ee dalka ku sugan”ayuu yiri Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya