Jimco, April 24, 2009(HOL): Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si wada jir ah uga hortagaan kooxaha dilalka u geysta dadka aan waxba galabsan.
“Dadka dilalka geysta waxay wataan bastoolado ay rasaas yar ku jirto, marka qofkii dil geysta yaanan laga harin ee hala dabagalo”ayuu yiri Ugaas Maxamed Weli oo sheegay in dilalka ka soo cusboonaaday Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho haddii ay sii socdaan ay cawaaqib xumo keenayaan.
Ugaas Maxamed Weli waxaa uu intaas ku daray in uu si weyn uga xun yahay in dilal loo geysto dad aan waxba galabsan oo weliba qaarkood ay yihiin kuwo ka soo qeybqaatay halgankii dalka Soomaaliya looga xoreeyay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku soo duulay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dilalkaas ay ahaayeen kuwo nasiib darro ah oo loo geystay dad bulshada Soomaaliyeed dhexdooda xurmo ku leh.
Hadalka Ugaas Maxamed Weli ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho lagu dilayay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo qaarkood ay ka tirsanaayeen Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
Dhanka kalena, dhawaan ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay sameystaan ciidamo madani ah si ay uga hortagaan kooxaha dhexdooda dilalka ka geysta, haddii aaney dadka ciidamadaas sameysaninna ay dhibaatada guryahooda ugu soo geli doonto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya