Madaxweyne Faroole oo sheegay in uu dhamaaday shakigii laga qabay in Maamulka iyo Burcad Badeeda iyo xiriir leeyihin

Jimco, April 24, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr. C/raxmaan Maxmuud Faroole oo shalay soo gaaray Magaalada Garowe ayaa ka hadlay kulamadii uu la soo qaatay beesha caalamka, xilligiii uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxwaynaha DGPL oo saakay shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe waxaa uu sheegay in maamulka loogu deeqay lacag faro badan si Puntland loogu sameeyo ciidamo ka hortaga Burcad Badeedda.

"Waxaan la soo kulmay Safiirrada Wadamada Talyaaniga iyo Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, waxaana isku afgaranay in lala dagaalamo Burcadda Badda, waana uu dhamaaday shakigii laga qaabay Maamulka Puntland iyo Burcad Badeedda uu xiriir ka dhaxeeyo" ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

Sido kale Madaxwaynaha ayaa ka hadlay sida uu Maamulkiisa uu arko Ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo uu dhawaantaan ansixiyay Baarlamanka isku dhafka ah Dawladda Soomaaliya ,waxaana uu sheegay in uu soo dhaweynayo, isagoo intaasna ku daray  in Puntland ay dhaqan iyo caado u leedahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Safarkii uu Madaxwayne Faroole ku tagay dalka Kenya ayaa qaatay muddo 8 maalmood ah ,waxaana uu halkaasi ay isku soo arkeen mas’uulyiin beesha caalamka ka tirsan oo shaki ka qabay in maamulka Puntland iyo Burcad Badda  ay xiriir leeyihiin.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya