Dagaal ka dhacay Deegaanka Jawle ee Gobolka Mudug oo sababay khasaare Dhimasho, Dhaawac iyo Barakac isugu jira

Jimco, April 24, 2009(HOL): Deegaanka Jawle oo ka tirsan Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa ka dhacay dagaal geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo barakac isugu jira.

Dagaalka ka dhacay Deegaankaas oo dhexmaray Xoogag ka amar qaata Al-Shabaab iyo Maleeshiyooyin Deegaanka ah ayaa wuxuu geystay dhimashada afar ruux iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo sidoo kalena ay dagaalkaas ku barakaceen dad badan ku noolaa Deegaanka Jawle.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Jawle ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay dhinacyada dagaallamay ku murmeen gacan ku heynta deegaanka Jawle, iyadoo mar sii horreysayna ay labada dhinac isku qabteen gacan ku heynta deegaankaas.

Dad badan oo ka barakacay Deegaanka Jawle oo hadda ku sugan duleedyada deegaankaas ayaa waxay cabsi ka muujinayaan in uu dib u bilowdo dagaal labada dhinac dhexmara, iyadoo gacanta deegaanka Jawle-na ay la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya