Soomaaliya oo loo ballanqaaday 250 Milyan oo Doollar

Jimco, April 24, 2009(HOL): Shirkii ka dhacay Magaalada Brussels ee Dalka Belgium ayaa waxaa dhaqaale gaaraya 250 Milyan oo Doollar loogu uruuriyay Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo shirkan wax ka soo qaban qaabisay ayaa waxay rajeyneysay in dhaqaalaha loo yaboohayo Soomaaliya uu gaari doono kaliya 166 Milayn Doollar, balse deeq-bixiyaasha Caalamka ay deeqdaas kaalmada ah ee Soomaaliya loo uruuriyay gaarsiiyeen 250 Milyan oo Doollar.

Madaxweynaha Midowga Yurub Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhamaaday, “Waxaan u maleynayaa in kulanka maanta (shalay) uu ahaa mid aad u wanaagsan, aad waxtar u leh, isla markaana lagu eegay dhibaatada Soomaaliya ka taagan”ayuu yiri Jose Manuel Barroso.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa madasha shirka ka sheegay in uu sameyn doono wax walba oo uu ku dejinayo dalka Soomalaiya, isla markaana wax looga qabanayo kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka qowleysta Soomaaliya.
 
Ugu dambeyntiina, Dhaqaalahan loo uruuriyay Soomaaliya ayaa waxaa lagu bixin doonaa dhismaha Ciidamo Soomaaliyeed iyo weliba tayeynta Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgelaya Caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo haatan ay ka joogaan Ciidamo ka socda Dalalka Uganda iyo Burundi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya