Sabti, April 18, 2009(HOL): Degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag waxaa ka soconaya dadaallo lag doonayo in lagu sii daayo labo Markab oo laga leeyahay Dalka Masar, kuwaasi oo Asbuuc ka hor laga soo qafaashay meelo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya.
Labadaan Markab waxaa haysta kooxo Burcad badeed Soomaali ah ,waxaana ay ku hayteen meel ay ishu qaban karto oo u dhaw Xeebta Degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dawladaha hoose General C/llaahi Jaamac Ilka-jiir oo la hadlay Warbaahinta Boosaaaso ayaa sheegay in dadaalladu ay meel fiican marayaan, isla markaana ay ku rajo wayn yihiin sidii la soo deyn lahaa maraakiibtaasi ajnabiga ah.
Wasiirka oo la weydiiyay waxyaabaha uu kala socdo haamaha uu xambaarsan yahay markabka Talyaaniga ayaa sheegay in wali baaritaano ay ku socdaan ,isla markaan uu maamulku warbixin siin doono Warbaahinta maalmo kadib.
"Wali waxaa baaritaan uu ku socdaa Haamaha Markabka Talyaaniga ku xiran idinma dhihi karo sun ayuu sidaa balse waan ku raad joognaa" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha xilli uu Laasqorey kula hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in aysan jirin wax lacag Madax furasho ah oo ay dalbadeen Kooxda Afduubka u haysata Maraakiibtaasi ,iyadoo weli ay sii socdaan af-duubka loo geysanayo maraakiibta shisheeye ee ku safraya Xeebaha Soomaaliya.
Maraakiibta Af-duubka loogu haysto Degmada Laasqoray waxaa saaran in ka badan 30 shaqaale Ajaanib ah oo u badan Carab ,waxaan la sheegay in ay bad qabaan shaqaalaha saaran Maraakiibtaasi.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya