Seddex Nin oo Rayid ah oo xalay lagu af-duubay Magaalada Beledweyne

Sabti, April 18, 2009(HOL): Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay waxay ka kaxeysteen guri ay ka daganaayeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan Seddex nin oo riyad ah sida uu warbaahinta u sheegay ku-xigeenka Taliyaha Sadhiga Booliska Magaalada Beledweyne Shiikh Ibraahim Yuusuf.
 
Waxaana uu intaas ku daray Taliye ku-xigeenka in uu jiro xog badan oo laga hayo ragga af-duubka geystay isla markaana Ciidamada Nabad-galyadu ku raad joogaan sidii loo soo qaban lahaa inkastoo uusan sheegin sababta loo af-duubay raggaasi.
 
Laakiin warar hoose oo ay  heshay HOL ayaa sheegay in Seddaxda Nin ee la qafaashay ay ka soo jeedaan dhulka Islaamulka Soomaalida Itoobiya iyagoo maalmihii aynu soo dhaafnay u joogay Magaalada Beledweyne howlo dhinaca ganasiga ah.
 
Guriga laga qafaashay Seddaxda Nin ayaa ah mid dhowr tallaabo uun u jira Xarunta Xafiiska Maamulka Gobollka Hiiraan halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaalo ka tirsan Ciidamada Maamulka Gobollka mana jirin waqtigaas tallaabo ay qaadeen.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo si weyn u hadal haya falkii xalay ka dhacay Magaalada ayaa wax laga xumaado ku tilaamay in shaqsi loo bartilmaameedsado heybta uu  u dhashay ama deegaanka uu ka soo jeedo.

Marka leysu geeyo falkii xalay ka dhacay Magalada Beledweyne iyo waliba af-duubkii dhowr maalmood ka hor kooxo hubeysan u geysteen Guddoomiyihii Maxkamadda Goballka Shiikh Cusmaan Barre Max'ed ayaa ugu yaraan waxaa ay muujinayaan taag darrada heysata Ciidamada Nabad-galyada Goballka oo ilaa hadda aan qaadin wax tallaabo ah, halka dhinaca kalena falalkani ay sawir muuqda ka bixinayaan jiritaanka kooxo hubeysan oo ka madax bannaan Maamulka jira.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia