Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay tababareyso Ciidamada Soomaaliya

Sabti, April 18, 2009(HOL): Dowladda Turkiga waxay tababar siineysaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya kadib sanado isku dhacyo dhiig ku daateen ah oo uu dalka Soomaaliya ku jiray”sidaas waxaa yiri madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gul.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalkan sheegay kadib wada hadllo uu  Magaalada Ancara kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Madaxweyne Gul wuxuu intaas ku daray in Dowladdiisa ay ka caawin doonto Soomaaliya Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo weliba adeegyada aas-aasiga u ah nolosha dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isna kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay horumarka ay dhinaca siyaasadda ka sameysay Dowladdiisa, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay ku taageerto dadaallo dib u heshiisiinta ah oo ay dowladdiisa ku howlan tahay.

“Ma ogolaan doonno in dalka Soomaaliya uu noqdo mid aan xasilooneyn”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo intaas ku daray in dhibaatada Soomaaliya lagu xalin karo gudaha Soomaaliya, hayeeshee ay u baahan yihiin caawimaad dhinaca beesha caalamka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta booqdo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Turkiga, kuwaasi oo ay ka mid tahay Magaalada Stanbul, iyadoo kadibna uu Turkiga uga sii amba bixi doono Dalka Belgium, halkaasi oo uu uga qeybgelayo shir dhaqaale loogu uruurinayo Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya