Sabti, April 18, 2009(HOL): Maamulka Ururka Al-Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Baydhabo ee xaruntau ah Gobolka Bay ayaa wuxuu xalay xabsiga dhigay Wariye Muxyaddiin Xasan Maxamed (Muxyaddiin Xusni) oo Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho uga soo warama Gobollada Bay iyo Bakool.
Wariyaha oo gurigiisa ku sugan ayaa waxaa u yimid ciidamo ka amar qaata maamulka ka taliya magaalada Baydhabo, kadibna waxay u kaxeysteen xabsiga magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ilaa haatan wariyaha ku xiran yahay.
Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo haatan ka soo baxay maamulka gacanta ku haya Magaalada Baydhabo, kaasi oo ku saabsan sababta keentay in la xiro Wariye Muxyaddiin Xusni.
Wariyayaal ku sugan Magaalada Baydhabo oo magacooda qariyay ayaa sheegay in intii aan la xirin wariye Muxyaddiin Xusni ka hor uu la soo xiriiray Xasan Deerow oo ah Madaxa Ammaanka gobollada Bay iyo Bakool, uuna u sheegay in uu u baahan yahay Guddoomiyaha Maamulka Gobollada Bay iyo Bakool.
Maamulka Idaacadda Shabeelle ee uu Wariyahan u shaqeynayay ayaa waxay ka codsadeen maamulka ka taliya magaalada Baydhabo in ay dib xoriyaddiisa ugu soo celiyaan Wariye Muxyaddiin Xusni.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya