Wax u qabo Canug yar oo ay Daamanka isaga dhegan yihiin


Canugan yar meesha ka daloosha afkiisa ayaa caanaha iyo biyaha laga siiyaa


Sabti, April 18, 2009(HOL): Axmed Maxamed C/llaahi oo seddex sano jir ah waxaa uu dhashay isagoo daamankiisa iyo ciridkiisa ay isku dhegan yihiin, waxaana dhalashadiisii ilaa iyo haatan lagu quudiyaa wax dareere ah oo kaliya.

Hooyada dhashay canugan oo lagu magacaabo Sahro Cilmi Shiikh-doon oo HOL u warantay ayaa sheegtay in canugeeda uu dhashay isagoo ay daamankiisa isku dhegen yihiin, waxayna xustay in ay ku quudiso caano iyo cabitaan ay ku siiso dhallada lagu quudiyo Dhallaanka.

Sahro waxay sheegtay in ay dhaqaatiir badan oo Muqdisho ku sugan ay la xiriirtay si Wiilkeeda loogu daweeyo, waxayse xustay in dhaqaatiirtii ay la kulantay ay u sheegeen in Canugeeda aan Dalka Gudahiisa lagu qali karin, isla markaana uu baahan yahay daweyn Dibadda ah.

“Waxaan ka codsanayaa Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay igu caawiyaan sidii uu canugeyga u heli lahaa daweyn dibadda ah, anigana uma heli karo dhaqaale aan ku daweysto”ayay tiri Sahro Cilmi Shiikh-doon.

Sahra waxay intaas ku dartay in ilig ka soo baxay meesha laga quudiyo uu sababay in ay daboolanto meeshii ay ka quudineysay, taasina ay qasab ku noqotay in ay ka siibto iliggii ka soo dhashay halka ay ka quudineysay.

Cid kasta oo wax u qabaneyso canugan yar ee dhibaateysan waxay la xiriiri kartaa:

Caabiyo Ciise
612-298- 1044

Cabdi Muuse Maahaay
507-990-9445
ama [email protected]

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya