Sabti, April 18, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu wareegto uu ku mamnuucayo ka soo saaray jarista dhirta qoyan.
Xasan Cabdi Maxamed oo ah Madaxa Ammaanka Maamulka Degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in maamulkooda uu mamnuucay jarista dhirta qoyan, wuxuuna caddeeyay in ciddii ay ku helaan iyadoo dhir qoyan jareysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Wuxuu sheegay Xasan Cabdi Maxamed in ay go’aankan qaateen kadib markii si xad-ka-bax ah loo jaray dhirta qoyan ee Degmada iyo nawaaxigeda ku taalla, wuxuuna tilmaamay in aan la maleysan karin sida ay dhirta Deegaanka uga sii baaba’eyso.
Dhanka kalena, Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Beled Xaawo ayaa wuxuu mamnuucay in habeenkii wixii ka dambeeya 9-ka habeennimo aan gudaha magaalada lagu wadan karin wax baabuur ah, gaar ahaan Taksida, wuxuuna maamulka sheegay in arrimo la xiriira nabadgelyada aawadeed loo xayiray dhaqdhaqaaqa baabuurtaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya