5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2008
Garaad culus oo lagu aasay Magaalada Laascaanood

Arbaco, February 27, 2008(HOL): Allaha u naxariistee waxa magaalada Laascanood ku geeriyooday, isla markaana lagu aasay Garaad Ismaaciil Ducaalle Guuled, oo ka mid ahaa Garaadada ugu da'ada weyn, kana mid ahaa garaadada cul culus ee gobolka Sool.

Aaska Garaadka oo ay ka qayb galeen Wasiiro iyo Masuuliyiin ka socda Somaliland, ayaa lagu aasay Xabaalaha Buurta Sayidka ee magaalada Laascanood, isla markaana waxa munaasibadda aaska maamulayay Maamulka gobolka.

Weftiga Xukuumadda Somaliland ee ka qayb galay Aaska Marxuumka, ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirada Horumarinta reer Miyiga, Hawlaha Guud iyo Guriyayta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiiru dawlaha Waxbarashada, Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha, Guddoomiye xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada iyo Masuuliyiinta kale oo tiro badan. Dhinaca kale, waxa aaskan ka soo qayb galay Wefti ka socda Maamulka Puntland.

Garaadka oo ka mid ahaa Garaadada ugu faca wayn Gobolka Sool, isla markaana la sheegay inay da'diisu ahayd ilaa 90 jir, waxaanu ifka kaga tegay 4 haween ah iyo ubad tiradoodu gaadhayso sida la sheegay 227 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa tacsi u diray qoyskiii, qaraabadii iyo SHacabka reer Sool ee uu ka baxay Marxuumku. Waxaanu Marxuumka Ilaahay uga baryay inuu Naxariistii janno ka waraabiyo.

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland