Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo gaaray magaalada Baydhabo kadib markii ay maalmo ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho

Arbaco, February 27, 2008(HOL): Waxaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo diyaarad qura wada raacay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Markii ay duushay diyaaraddii seddexda mas’uul ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa saacad kadib war aan ka helay wariyaheena magaalada Baydhabo wuxuu noo xaqiijiyay in ay halkaas gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo weliba wafdi ay hoggaaminayeen oo ka tirsan labada gole ee Dowladda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sababta ay seddexda mas’uul u wada tageen magaalada Baydhabo ay tahay iyagoo doonaya in ay kulamo la yeesheen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay u gudbinayaan waxyaabihii ka soo baxay shirar albaabada u xiran yihiin oo ay maalmihii tegay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan la ogeyn waxyaabihii ay uga wada hadleen marka laga reebo guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan  Madoobe oo sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

Waxay ahayd markii ugu horeysay oo ay diyaarad wada raacaan seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka tan iyo markii uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku soo biiray Dowladda Federaalka, laakin waxay jirtay in ay mar Sacuudiga diyaarad u wada raaceen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Xildhibaano dhowr ah oo ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxay ka hadleen in ay tahay arrin laga wanaagsan tahay in ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka  ay dhamaantood  diyaarad wada raacaan, iyagoo taasina sabab uga dhigay in diyaaradda ay wada raaceen ay wax ku imaan karaan, iyadoo hadalkaasina ay Xildhibaanadan jeediyeen xili ay diyaarad ku wada aadeen Deegaannada Puntland Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihi hore Prof. Cali Maxamed Geeddi oo xiligaas hogaaminayay garab ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deganaa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo ammaankeeda uu yahay mid aan hagaagsaneyn, waxaana intii ay ku sugnaayeen ka dhacay dagaallo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia