Arbaco, February 27, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu halkaas ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen, kaasi oo wada hadallo la leh madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo iyagu saaka gaaray Magaalada Baydhabo.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Madaxda sare ee Dowladda ay hataan wada hadallo ku leeyihiin Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, iyadoo wada hadalladoodana ay yihiin kuwo ay albaabada u xiran yihiin oo loo diiday saxaafadda in ay goob-joog ka noqoto.
Warar kale oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ay madaxda Dowladda Federaalka iska raaceen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku tegay diyaaradda madaxda Dowladda u qaaday dhinaca magaalada Baydhabo.
Socdaalka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ku joogo magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo is-bedel lagu sameeyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana loo magacaabay Ra’iisal Wasaare cusub oo ah Nuur Cadde, kaasi oo markii la magacaabay kadib ku dhawaaqay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Soomaaliya, isagoo si cad u sheegay in uu la hadlayo mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeeyay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya booqasho ku tago Magaalada Baydhabo, wuxuuna magaaladaas tegay dhowr jeer oo hore, xiligaas oo uu xalinayay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Baydhabana waxay sheegayaan in uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen uu galabta dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa, iyadoo aan ilaa iyo haatan faah faahin rasmi ah laga bixin waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxda Dowladda Federaalka iyo weliba natiijadii ka soo baxday kulamadooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia