Qarax ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho

Arbaco, February 27, 2008(HOL): Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa saaka waxaa ka dhacay Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso, kaasi oo loo dhigay Gaari Ural ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Qaraxa oo ahaa mid Xooggan ayaa waxaa la sheegay in ay waxyeello ka soo gaartay gaarigii loo dhigay oo ay dadka deegaankaas sheegeen in ay arkeen isagoo uu qiiq ka baxayo.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo u gurmaday Ciidamada qaraxa lala beegsaday, kuwaasi oo meesha ka jiiday Gaarigii qaraxa lala beegsaday, walow aan la xaqiijin khasaaraha soo gaaray ciidamadii gaarigaas saarnaa sabab la xiriirta in aysan dadka u dhawaan karin halka uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirin wax rasaas ah oo ay qaraxaas kadib fureen ciidamada Itoobiyaanka sidii horay u dhici jirtay oo mar kasta oo qarax lala beegsado ay iyana rasaas tiro badan furi jireen, waxayna taasi ahayd mid ku cusub dadka degan nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee uu qaraxa ka dhacay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu isla deegaankaas ka dhacay qarax lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo marayay agagaaraha Isgoyska Towfiiq, iyadoo qaraxaas iyo rasaas ay fureen ciidamadii qaraxa lala beegsaday ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadd Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo lala beegsado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, inkastoo qaraxyadaas qaarkood ay haleelaan gaadiid ay la socdaan dad rayid ah, sidii dhawaan ka dhacday agagaarka Dugsiga 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia