Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo toogasho ku dilay Nin la dhashay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Arbaco, February 27, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay toogasho ku dileen marxuum Abuukar C/salaan Xaaji Aadan oo la dhashay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay markii la tooganayay uu fadhiyay gurigiisa hortiisa,  isla markaana uu taleefoon Mobile ah ku hadlayay, “Isagoo ka yimid meel lagu jimicsado oo horfadhiya gurigiisa oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, Taleefoonna ku hadlaya ayaa waxaa u yimid Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo weydiiyay cidda uu la hadlayo, kadibna wuxuu u soo taagay Taleefoonkii oo uu yiri fiiriya cidda aan la hadlayay, dabadeedna xabad ayay lugihiisa hoostooda ku dhufteen, markaasi kadib wuxuu isku dayay in uu ka cararo hayeeshee waxaa ku dhacay rasaas ay Ciidamadii ka daba fureen, sidaas ayuuna ku geeriyooday”ayuu yiri goob-jooge ku sugnaa meel aan u dheereyn halka uu falkaas ka dhacay oo ah nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Xiliga uu falkaas dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa Isgoyska KM4 iyo nawaaxigiisa Ciidamo tiro badan oo saaka la soo dhoobay Wadada Makka Al-Mukarrama iyo tan u kacda dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo la sheegay in sababta ciidamada halkaas loo dhigay ay ahayd in ay sugaan ammaanka Waddooyinkaas oo ay marayeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu saaka ka amba baxay Magaalada Muqdisho.

Markii uu falkaas dhacay kadib ayaa waxaa goobta gaaray ehellada marxuumka oo meydkiisa goobta ka qaaday, kuwaasi  oo lagu soo waramayo in ay qabanqaabinayaan sidii loo aasi lahaa meydka, iyadoo dilka loo geystay marxuumkana ay ka xumaadeen ehelladiisa iyo weliba dadkii maqlay qaabka uu u dhacay dilkiisa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay sabab la’aan u toogtaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya dad aan waxba galabsan, iyadoo taasina ay muujineyso sida aysan Ciidamada Dowladda u qabin tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee ay leeyihiin Dadka Bani’aadamka ah oo ah in uu nabadgelyo iyo xornimo ku noolaado.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia