Arbaco, February 27, 2008(HOL): Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaaladii is daba jooga ahaa ee qeybo badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan ku dhax-maray Ciidamadda Maamulka Gobalka oo gacan taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo Kooxaha ku kacsan waxaa siweyn isu soo tarayay dhaq-dhaqaaqa Ciidamadda Itoobiyaanku ka wadaan deegaano ka trisan Gobaladda Hiiraan iyo Gal-gaduud ee bartamaha Soomaaliya si markaa laysku hortaago in kooxaha kacdoonka wadda fariisimo ka sameystaan goobaha Istiraatijigga ah.
Ciidamadda Itoobiyaanka oo markoodii hore fariisin ku lahaa Duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaa halka lagu magacaabo Jante-guudisho ayaa hadda bilaabay in ay saldhig Malatari oo rasmi ah ka dhigtaan Deegaanka Kala-beyr oo marka la eego la oran karo waa halka galiya ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqyadda ka jira Gobaladda Hiiraan iyo Gal-gaduud.
Waxaa Maalintii shalay soo gaaray halkaa sidda warar soo baxaya sheegayaan Ciidamo itoobiyaan ah oo ka soo guuray Degmadda Dhuusa-mareeb kadib markii ay dhowr cisho joogaan, taasoo muujineysa in Deegaanka Kala-beyrku yahay halka mar walba ay ka anba baxaan Ciidamadda Itoobiya marka ay doonayaan in ay gaaraan Degmo ama xitaa Tuulo ka tirsan labada Gobal.
Sidoo kale wax yaabaha la oran karo muhiim ayeey u tahay Deegaanka Kala-beyrka ayaa waxaa ka mid ah isku socdka gadiidka u kala safra Gobaladda dhexe oo ay birtaan xoog leh ku sameeyaan Ciidamadda Itoobiyaaku, waxaana xusid mudan in dhawaan Ciidamadda Itoobiya ee Joogga Deegaanka Kala-beyr gacanta ku dhigeen gaari siday wax yaabaha qarxa kaa oo ku soo jeedda gudaha Gobalka Hiiraan.
Inkatoo Saldhigga Ciidamadda Itoobiya ee Gobaladda dhexe lagu tilmaami karo Deegnaaka Kala-beyr ayaa hadana waxaa muuqaneysa in Amaanku hagaasaneyn mar hadii wali ay jiraan Qaraxyadda iyo weeraradda abaabulan ee kooxaha ka soo horjeedda joogitaanka Ciidamadda Itoobiya iyo Nidaamka Federaalka ah ka geysanayaan Magaaladda Beledweyne iyo Gobaladda dariska la ah.
Dhinaca kale wararka ka soo baxaya Degamadda Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in kooxo hubeysan habeenkii xalay ku dileen Nin rayid ah oo sidda la sheegay hor fadhiyay goob ganacsi oo uu lahaa, waxaa wararku intaa ku darayaan in marxumka dhintay uu ahaan jiray Taliyaha Ciidamo Madani ah oo mar laga aas aasay Degmadda Dhuusa-mareeb ee Gobalka Gal-gaduud iyadda oo dilkan uu ku soo beegmay wax yar uu ka dib markii ay halkaa isagga guureen Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan fariisin ka dhigtay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Deegaanka Kala-Beyr ee Gobolka Hiiraan oo u muuqda in uu noqday Fariisinka Ciidamada Itoobiya ee Gobollada Dhexe
More News
- Xukuumadda Somaliland oo qaylo-dhaan abaareed u dirtay Beesha Caalamka
- Garaad culus oo lagu aasay Magaalada Laascaanood
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Baydhabo wada hadallo kula yeeshay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka dibna ugu laabtay Addis Ababa
- Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo gaaray magaalada Baydhabo kadib markii ay maalmo ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo toogasho ku dilay Nin la dhashay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
- Qarax ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho