Talaado, 30 September 2008 (HOL): Guud ahaan Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta la Ciiday dalal badan oo Caalamka Islaamka ka tirsan, kuwaas oo ay xalay u bilatay Bisha Shuwaal. Iyada oo meelo kala duwan looga Ciiday siyaabo kala duwan.

Magaalooyinka iyo Degmooyinka Somaliland ayaa guud ahaanba laga Ciiday, iyada oo ay Magaalooyinka waawayn isugu soo baxeen Dadweyne aad u tiro badan oo Farxadda Ciiddal-Fidriga awgeed isu-hambalyaynayay. Madaxda iyo Masuuliyiinta sare ee Somaliland ayaa Masaajiddo iyo meelo kala duwan kula tukaday Shacabka Somaliland, gaar ahaan dadka ku dhaqan Magaalada Hargeisa.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Shacabka Magaalada Hargeisa qaarkood tukashada Saaladda Ciidda kala qaybgalay Masaajidka Weyn ee Masjid-Jaamaca Hargeisa. Isaga oo hadal aad u kooban halkaa ka jeediyay, kaas oo aan dhaafsanayn Ereyo ay ka mid ahaayeen, “Guud ahaan Umadda Islaamka, gaar ahaan umadda Somaliland ayaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciiddal-Fidriga awgeed.

Ilaahay sanadkan-sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo Barwaaqo”. Hadalladaas kooban oo meesha ka saaray waxyaabo badan oo ay Shacabka reer Somaliland ka filayeen Madaxweyne Rayaale inuu ka hadlo, oo ay ka mid yihiin waxyaabaha dhabta ah ee uu kala soo kulmay safaro uu ku tegay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub, Sicir-barar ragaadiyay oo dhawaanahanba ka taagnaa Suuqyada Somaliland iyo arrimo kale oo badan.
Inkasta oo dadweynaha reer Somaliland badankooda, gaar ahaan kuwa danyarta ahi ay la tiicayaan utunta Sicir-barar ku yimi Maceeshadda daruuriga ah iyo sidoo kale alaabooyinka kale, haddana guud ahaan dadweynaha ayaa wejiyadooda ka muuqdeen farxadda iyo isu-bogaadinta Ciidda.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.