
Talaado, September 30, 2008(HOL): Waxaa Maanta si wayn looga Ciiday meelo badan oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waa wayn ee Puntland, sida Magaalada Boosaaso ,Garowe iyo Gaalkacyo, iyadoo shacabku ay muujinayeen damaashaadyo ku aadan Ciidan oo ahayd mid ay muddo sugayeen.
Masaajidyada iyo goobaha kale ee lagu cibaadaysto ayaa maanta buux dhaafiyay Shacab waynaha Magaalada Boosaaso, waxaana Ciidan si rasmi xalay looga iclaamiyay dhamaan Masaajiyada Boosaaso.
Dhamaan Shacabka Magaalada Bosaaso ayaa maanta isugu soo baxay Goobaha la isugu yimaado, iyagoo ka sheekaysanaya Farxada Ciidul Fitriga Maadaama ay bil kaamil ah soo soomanayeen.
Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (General Cadde) ayaa Maanta ka qayb galay Munaasabada Ciidu fitriga,waxaana ku wehliyay Mas’uuliyin ka tirsan Golihiisa xukuumadda ee Puntland.
Madaxwayne Cadde Muuse ayaa kula dar daarmay shacabwaynaha Puntland in mar ka hore laga shaqeeyo Nabadda si dalku uu baraare iyo naruuro u gaaro, isla markaana looga baxo dhibaatooyinka Iminka jira.
Ciiddan ayaa maanta u muuqatay mid ka duwanayd kuwii hore, waxaana ay shacabku ahaayeen kuwo si isku wada mid ah uga dareeray Goobaha lagu tukado saalada Ciidu fitriga.
Goobaha qaar waxaad ku arkaysaa meelo loogu talagalay in la isku madadaaliyo farxadaan awgeed, iyadoo dhalinyarada loo sameeyo goobo ay ciyaaraan, isla markaana ay uga faa’iideystaan munaasabadda Ciidda.
Isku soo wada duuboo Farxada ku saabsan maalinta ciida ah ayaa ah mid laga dareemayo guud ahaanba magaalada Boosaaso iyo dunida Muslimka oo dhan.


Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia