Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo oo burburiyay Dhismaha Kaniisad ku ooli jirtay Magaaladaas

Talaado, September 30, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu maanta burburiyay Dhismaha Kaniisad ku taalay bartamaha Magaalada Kismaayo.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali oo saaka tukashadii Salaadda Ciida kadib la hadlayay Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa  sheegay in halka ay dhismaha Kaniisadda ka burburiyeen ay ka dhisi doonaan Masjid Allaah lagu caabudo.

“Halkan waxaa lagu caabudi jiray Sheydaamo, sidaas darteed ayaan u burburinay, waxaana ka dhisi doonnaa Masjid Allaah lagu caabudo, maantana waa laga adimay sida aad maqleyseen”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali oo la hadlayay dad isugu soo baxay burburinta Kaniisaddaas.

Shiikh Xasan Yacquub oo wax laga weydiiyay halka ay ku ogyihiin dad muddooyinkan deganaa dhismaha Kaniisaddaas oo ka geli jiray qabowga habeenkii iyo kuleyka maalintii waxaa uu sheegay in ay dadkaas u dhisi doonaan guryo ay ku noolaadaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Maamul Islaami loo sameeyay Magaalada Kismaayo oo uu horay uga talin jiray maamul qaab beeleed u dhisan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii maamulkaas Islaamiga ah  la dhisayna wuxuu wax ka qabtay falal nabadgelyo darro ah oo jiri jiray iyo weliba maleeshiyooyin gudaha magaalada isbaarooyin dhigan jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia