Dowladda Itoobiya oo ku baaqday in Ciidamo ka socda UN-ka la geeyo Soomaaliya

Talaado, September 30, 2008(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u diro Ciidamo nabad-ilaaliyayaal ah oo wax ka qabta dhibaatada nabad la’aaneed ee ka taagan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo hadal ka jeediyay Kulankii 63aad ee ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ugu baaqay UN-ka in uu Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah u diro Soomaaliya.

Seyoum Mosfen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in Qaramada Midoobay looga baahan yahay in dadaal ku bixiso sidii ay Ciidamo u geyn lahayd Soomaaliya ama ugu yaraan ay u xoogeyn lahayd Ciidamada Amisom ee hataan ku sugan oo markaasina ay u siin lahayd tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.

Wuxuu ammaanay dalalka Uganada iyo Burundi ee Ciidamada u diray Soomaaliya, wuxuuna dalalka kale ee Afrika ugu baaqay in ay iyana Ciidamo u diraan, si buu yiri loo soo af-jaro dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Sidoo kalena, wuxuu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas horumar laga gaaray dhinaca Siyaasadda Soomaaliya.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ku sugan Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah iyo kuwo ka Amisom loogu magaca-daray oo ilaa hadda laga hayo Dowladaha Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo dagaallo la gala Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ee ay taageerayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia