Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Talaado, September 30, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in gudaha magaaladaas uu ka dhacay qarax aad u weyn oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay dhimashada canug yar , halka uu sababay in ay dhaawacmaan dad gaaraya 4 ruux, kuwaasi oo isugu jiray Dad rayid ah iyo Ciidamo Boolis ah oo qaraxaas lala beegsaday.

Qaraxaas ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo saaka u dabaal-degayay Munaasabadda Ciidda Soon-fur, kuwaasi oo markii uu qaraxa dhacay kadib guryahooda ku kala cararay.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxaas kadib waxay tageen goobtii qaraxa ka dhacay, waxayna ku dhaqaaqeen baaritaanno ay ku sameeyeen guryihii iyo goobihii ganacsiga ee ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago uu ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlayay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan waxaa soo xumaanayay ammaankeeda, waxaana ka dhacayay dilal, Qaraxyo iyo weerarro lagu qaado guryaha Xildhibaannada Dowladda iyo weliba fariisimada Ciidamada Dowladda ee ku yaala gudaha Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntiina Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay tahay fariisinka KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ku yaala xafiisyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia