Talaado, September 30, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ku kala qeybsameen Ciidda Soon-fur, waxayna u kala baxeen kuwo Ciiday iyo kuwo Sooman oo sheegaya in ay maalinta berri ah ciidi doonaan.
Dadka maanta Ciiday ayaa waxay sheegayaan in ay u ciidayaan sabab la xiriirta iyadoo meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah laga arkay Bisha Soon-fur, isla markaana dalal badan oo kuwa Islaamka ah maanta laga ciidayo.
Laakin Dadka aan maanta ciideynin ee weli Sooman ayaa waxay sheegayaan in aysan arkin Bisha Soon-fur, sidaas darteedna ay sii dhameystiranayaan 30-ka Ramadaan, maalinta berri ahna ay Ciidi doonaan.
Marka la eego dadka Ciiday iyo kuwa Sooman ayaa waxay yihiin kuwo isu dhigma oo aan kala badneyn, waxaana meelaha la isugu yimaado la arkayaa dad sooman iyo kuwo afursan oo ay dhex-taalo dood ku saabsan in ay kuwa sooman ku saxsan yihiin soonkooda, halka kuwa afursan ee ciidayna ay difaacayaan in ay maanta tahay maalin ciid ah.
Sanadkan waxay dadka ku dhaqan Magaalada Mudisho u ahayd bisha Soon mid ay ku jireen xaalad dagaal, waxaana 15-kii dambe ee Bisha Ramadaan magaalada Muqdisho ka dhacayay dagaallo xiriir ah iyo duqeyn sababtay in ay dhintaan dad 70 ruux gaaraya iyo dhaawaca dad kale oo 200 oo ruux ka badan.
Xalay oo ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, wuxuuna ku beegnaa dagaalkaas xili ay dadka Muqdisho isu diyaarinayeen in ay cirka ka fiiriyaan bisha Soon-fur.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciiddan iyo Ciiddii Soon-fur ee ka horeysay ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jirto amni darro aad u baahsan, taasi oo keentay in ay dad badan oo ku noolaa guryahooda oo Muqdisho ku yaala ay u barakacaan duleedyada magaalada Muqdisho, halka ay jiraan kuwo kale oo u barakacay gobollo ka tirsan dalka iyo weliba dalka dibaddiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia